HomeWasaaradda Waxbarashada oo Digniin u jeedisay Ardayda reer Somaliland ee wax ka...

Wasaaradda Waxbarashada oo Digniin u jeedisay Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata magaalada Maqalle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda warxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa ka hadashay ardaydii waxbarashadu uga socotay gobolka Tigreyga ee dalka Itoobiya, kuwaas oo qaarkood iyaga oo aan soo wargelin wasaaradda ay dib ugu noqdeen gobolkaas.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-“Sida aad la wada socoteen, waxa jiray arday reer Somaliland ah oo waxbarasho Jaamacadeed u joogay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigrey ee ay dagaalladu ka dhaceen, Ardaydaas oo dedaal dheer kadib la soo daadgureeyey, iyaga oo bedqabana ku soo guryo noqday dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aannu xog sugan ku helnay in hal arday oo ka mid ah ardaydaasi uu dib ugu ambabaxay magaalada Maqalle ee gobolka Tigrey.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland  waxa ay u aragtaa in ardaygaasi uu ku kacay fal aan loo baahnayn.

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland  waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda wax ka baranaysay Jaamacadaha gobolka Tigrey ee hadda ku sugan Somaliland:-

1. In aanay ku noqon karin Jaamacadaha magaalada Maqalle ilaa ay oggolaansho rasmi ah ka helaan Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland  .

2. In ardayda u hoggaansami weyda awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Ugu danbayn, waalidiinta ardaydaasi waxaanu ku wargelinaynaa in aanay Wasaaradda Waxbarashadu masuul ka ahayn bedqabka carruurtooda haddii ay amar la’aan baxaan.

Ardayda ama Waalidiinta u baahan xog dheeraad ah hala soo xidhiidhaan Wasaaradda Waxbarashada iyaga oo soo wacaya lambarkan 9666.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories