HomeWasaaradda Waxbarashada oo beenisay war sheegaya in Ardayda Dugsiyada Gobolka Sool aanay...

Wasaaradda Waxbarashada oo beenisay war sheegaya in Ardayda Dugsiyada Gobolka Sool aanay ka Qayb-galayn imtixaanaadka Shahaadiga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankBurco (SLpost)- Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa beeniyay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah Saxaafadda oo sheegaya Ardayda Dugsiyada Waxbarashada gobolka Sool ee dawladda Somaliland maamushaa in aaney u fadhiisan doonin Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee foodda innagu soo haya.

Madaxa imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Md Daa’uud Axmed Faarax oo magaalada Burco ugu waramay warfidiyeenadda ayaa warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay ardayda gobolka Sool itixaankoodii wax iska bedelay habayaraatee aaney jirin.

“Runtii waxaanu saxaafadda gobolka ugu yeedhnay in aanu ka hadalo war xalayto laga sii daayay T-V Somali-Sat oo ku saabsanay qolo arday sheegatay oo inta suuqa laga soo ururiyay la doonaayay waxbarashadda gobolka Sool in lagu majara habaabiyo ,oo runtii aad iyo aad uga socota gobolkaasi ,ardayda ay sheegayaan ee ay leeyihiin waa ardaydii gobolka Sool oo itixaanka ma galayaana runtii waxaan doonayaa in aan halkan dhukmantigooda iyo sawiradooda idiinku soo bandhigo oo aan idiin cadeeyo in ay itixaanka u fadhiisanayaan.” ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax.

Waxaanu Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka guud ee Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Markan guud ahaan idiin sheego horta Laascaanood waxa ka furan saddex Dugsi-Sare oo imtixaanaadka nala gala waxaaney kala yihiin dugsiga sare ee Nugaal, Ileys iyo Muuse Yuusuf, Sidaa awgeed hadaba waxaan halkan ka cadaynayaa nin ku farxa iyo nin ka naxaba ma jirto arday reer Laascaanood ah oo itixaan diiday ,dhamaan ardaydaasi dugsiyadaas dhigata sawiradoodii iyo dhukmantiyadoodii ayaanu haynaa oo Aaroogoodii nuu soo gudbiyay waxaanan mar labaad cadaynayaa in aan itixaanaadka wax iska bedelayaa jirin ,masalan Buuhoodle ayay ka hadlayeen ardayda Buuhoodle-na sawiradoodii shandadaas ayay iigu jiraan markaa waxa la yidhi nin daad qaaday xunbo cuskay waana nasiib daro dadka beentaasi sheegaya .”

Madaxa Imtixaanaadka Guud ee Somaliland ayaa mar uu ka hadlaayay ardayda Somaliland u fadhiisanaysa itixaamaadka waxa uu sheegay in ay ku dhawyihiin 18000-arday. Waxa kale oo uu ka hadlay halka ay marayso waxbarashadda gobolka Togdheer oo ay toddobaadkii u danbeeyay kormeer ku samaynayeen Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland iyo madaxa imtixaanaadku, ayaa sheegay in ay marayso halkii ugu fiicnayd ee ay waxbarashadda Togdheer gaadho waxaanu u mahad-naqay maamulka Wasaaraddaasi. Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay isuduwaha waxbarashadda gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid iyo masuuliyiin kale.

Geesta kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo hoggaaminaysa Weftiga ka socda Wasaaradda Waxbarashada oo tan iyo khamiistii hore kormeerro kala duwan ku marayey gobollada Saaxil, Togdheer iyo deegaanno kale, ayaa maanta kormeer ku sameeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheed, halkaas oo ay Wasiirku dhagax-dhigtay hool weyn oo ay yeelan doonaan bahda waxbarashada Oodweyne, waxaanay Wasiirka iyo Weftigeedu warbixinno ka dhagaysteen maamulka Waxbarashada ee deegaankaas oo Weftiga si diirran loogu soo dhaweeyey shalay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somaliland.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories