HomeWasaaradda Waxbarashada oo Beenisay inuu Jiro Gole ay Ku Midaysan yihiin...

Wasaaradda Waxbarashada oo Beenisay inuu Jiro Gole ay Ku Midaysan yihiin Macalimiinta Dalku

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

daa'uudHargeysa (SLpost) Gudoomiyaha Xafiiska Imitixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay inaanu jirin wax lagu magacaabo Gole ay ku midaysan yihiin macalimiinta Somaliland. Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey cabashooyinka iyo buuq ka dhashey muran la sheegay inuu u dhexeeyey Maamulayaasha iyo Macalimiin ka tirsan dugsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo qaarkood magacyadooda lagaga been-abuurtay qoraal shalay ku soo baxay warbaahinta qaarkood. Guddoomiyaha oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Dadka ku kacaya falalka noocan ah ee Macalimiinta iyo Maamulayaasha Dugsiyada iyo Ardeydaba lagaga been sheegayo, Wasaaraddu talaabo ayay kolay ka qaadi dontaa, waana wax ka reeban Anshaxa Waxbarashada iyo aqoonta iyo Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliintaba been abuurka noocan oo kale ah. Hadalka Guddoomiyaha ayaa daba socday qoraal ay maalinimadii Khamiista soo saareen Xubno isku magacaabay Golaha Macalimiinta, kaas oo ujeeddadiisu mahad-naq ay jeedinayen maamuleyaal iyo macalimiin soo dhawaynayey dhex-dhexaadin lagu soo gebo-gabeeyey khilaaf u dhexeeyey mid ka mid ah maamuleyaasha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Siciid Maxamuud Gahayr oo ka tirsan Bahda Waxbarashada. Dhinaca kale, Macalimiin iyo Maamulayaal magacyadooda lagu xusay qoraalkaas, ayaa beeniyay in  ay wax ka ogyihiin jiritaanka Gole ay leeyihiin Macaliminiinta oo dalka kajira. SOMALILANDPOST,NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories