HomeWasaaradda Waxbarashada oo ay Dul Hoganayso Boobkii Deeqdii Waxbarasho

Wasaaradda Waxbarashada oo ay Dul Hoganayso Boobkii Deeqdii Waxbarasho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Wasiirka Cusub iyo Miinnada Aassan!

Waaggii beryaabba waayo leh, mahadhadda taariikhdunna iyaddaa kaydisa Xumaan iyo Samaan wixii dhaca. Maalmahan dambe waxa Wasaaradda Waxbarashada ka jirey sawaxan iyo buuq ka dhashay markii ay soo baxday in la musuq-maasuqay deeqdii waxbarasho ee ay ka helleen Ardaydii kaalmaha hore ka gashay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyadda sarre.

Ardaydan oo hore u buuxisay shuruudihii looga baahnaa, Wasaaradduna ay liiskoodda u dirtay dalka Ethiopia, loonna xil saaray Wasiirul-dawladdaha wasaaradda Waxbarashadda iyo Qorshaha xiliga ay baxaan, nasiib-daro waxa ka yaabisay ummaddii reer Somaliland, gaar ahaan Maamulkii,

 

Ardaydii, Waalidkii iyo shacabkabba markay ogaaddeen amaba ay ka war helleen in Wasiir-dawluhu uu bedelay liiskii rasmiga ahaa ee Ardayda deeqda Waxbarasho heshay, kunna bedelay liis kale oo aan la garanayn meesha uu ka keennay, balse la hubbo inay yihiin dad uu isagu sidii uu doonnaba haku soo qaatee uu sitay, kadib Maamulkii, Ardaydii iyo Waalidkiiba waxay xog-waraysi ugu taggeen Wasaaradda Waxbarashada, halkaasoo ay kala kulmeen jawaab aan qancin, inkastoo ay jirtay in Waaxda Imtixaannaadka qaranka ay xaqiijisay inay gudbisay liiskii saxda ahaa ee Ardayda loogu talo-galay Deeqda Waxbarasho, balse Mas’uuliyiinta sarre ee Wasaaradda Waxbarashadda ayaa dhinacoodda ku doodday in Liiskaasi khaldamay, lanna sixi doonno maalmaha soo socda,halkaas markii ay maraysay arrintu waxa is-bedel ku yimid Wasaaraddii Waxbarashadda, kadib markii uu Wasiirkii hore  Prof. Geeddoole uu iska casilay Xilkaas, waxaanna uu Madaxweynuhu u soo magacaabay Wasiir cusub, inkastoo uu joogay Wasiir-dawlihii arrintaas u xil saarnaa Wasaaradda, isla markaanna musuqmaasuqay Liiskaa Ardayda, haddana waxa ay noqotay in la iska sugo inta Wasiirka cusubi uu Xilka la warreegaayo.

Intaa kadib, waxa dhacday in Wasiirkii cusbaa iyo Wasiir-dawlihii ay Ardaydii deeqda Waxbarasho heshay kulan gaara la yeesheen, unna sheegeen inaanay habayaraatee jirin deeq Waxbarasho oo aynnu ka helnay dalka Ethiopia, cidda deeqda Waxbarasho la siiyayna ay ahayd Soomaaliya, taasoo ka geddisan dalabkii hore ee Wasaaradda Waxbarashaddu ku dhawaaqday, ugunna yeedhay Ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaannaadka qaranka, kunna war-gelisay Ardayda inay keennaan Shahaaddooyinkoodda, waxaanna laba aflaynta Wasaaradda Waxbarashadda ka muuqata in Wasiir-dawluhu masuqmaasuqii uu sameeyay uu ku qanciyay Wasiirka cusub, taasoo noqonaysa in Wasiirka cusubi uu Babbo billaa biin ah uu gacmihiisa ku qarxinnaayo, isla markaanna qayb lixaadle uu ka qaaddannaayo musuqmaasuqii lagu sameeyay Ardaydaas deeqda Waxbarasho loogu yeedhay, ee haddana laga dafiray, waxaannay arrintani raad xun ku yeelanaysaa aayihiisa mustaqbal ee dambe haddii uu Wasiirku arrintaas ka badheedhi waayo xaqiiqdeedda. Soomaalidda ayaa ku maahmaahda “Sakaaro xaar muuqda ayay aas-aastaa” arrinta iswaydiinta mudani waxay tahay Ardaygii ugu sarreeyay imtixaanka qaranka, marka la dhaafiyo mid aan xaq u lahayn, waa siddee nidaamka Waxbarasho ee Somaliland? Waa siddee nidaamka Caddaaladeed ee Somaliland? Waa maxay waxa ay Somaliland doonaysaa? Xaggee ayaynu ku soconnaa laba Arday ayaynnu u caddalad samayn kari waynnee? Waa yaab.! Jawaabaha waydiimahan waxaan u dhaafayaa akhristayaasha iyo guud ahaan bulshadda reer Somaliland.

Gebo-gabaddii Dulmiga, Boobka, dhaca, Musuq-maasuqa, qaraabo kiilka qabyaalada, ku kala shubashadda iyo maamul-xumaddu waa muuqaaladda rasmiga ah ee ka jira maanta Somaliland. Waa xilligii uu Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim), uu lahaa

Caruuraha la dhaciyo, awliyadda laga cadhaysiiyay,

Carshigaaba laga aqbalay cabashadooddii,

Ee inay Currado kheyr lihi kacaan, Caawa la arkaaye,

Ee dhawaan waxa is bedeali, ciidan fara-wayne,

Caaddaa rag korray, ayaa dhawaan nabsigu, hoos u soo celinne,

Caanuhu dhawaan way ka quban, ciil dad loo qabaye,

Cagta ii dhig, wakaa nabsigii soo cadceedsaddaye,

W/Q:- Maxamed Yuusuf Cabdi (Maxamed Khadar)

Hargaysa, Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories