HomeWasaaradda waxbarashada oo Arday Deeq waxbarasho ugu diraysa dalka Sudan, kana hadashay...

Wasaaradda waxbarashada oo Arday Deeq waxbarasho ugu diraysa dalka Sudan, kana hadashay Arday Somaliland ah oo ku go’doonsan magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 15 February, 2012 (SLpost)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa caddeeyay in todobaadkan ay dalka Suudan u diri doonaan 13 arday oo ka mid ah 50 arday oo sugayay deeq waxbarasho oo ay dawlada Turkigu u fidisay ardayda Somaliland, isaga oo dhinaca kalena ka hadlay Arday ku go’doonsan magaalada Muqdisho oo loo qaadi lahaa Deeq Waxabarasho.

blankWasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in ardaydani ay wax ku baran doonaan jaamacad ku taala dalka Sudaan isla markaana ay dawlada Turkigu kafaalo qaadday kharashaadka ku baxaya mudada ay waxbarashada ku jiraan, waxaa kale oo  uu tilmaamay wasiir ku xigeenku in ardayda soo hadhay ay iyana dhawaan bixi doonaan isagoo intaas ku daray inay hore Turkiga u tageen 35 arday oo reer somaliland ah kuwaas oo haatan wax ka barta jaamacado ku yaala dalkaasi.

Mudane Cali Xaamud Jibriil waxaa kale oo uu ka hadlay Konton arday oo somaliland ah oo ku hungoobay Magaalada Muqdisho ee dalka Somalia kuwaas oo qorshahoodu ahaa inay ka mid noqdaan Arday Soomaali ah oo Dalka Turkigu deeq waxbarasho u fidiyey.

Wasiirku waxa uu sheegay in ardaydaas iyo waalidiintoodu ay go’aansadeen inay halkaasi tagaan iyagoo aan wax ogolaansho ah ka haysan wasaaradda waxbarashada, waxaanu intaas ku daray in qaabka ay u baxeen ardaydaasi aanay wasaaradu waxba kala socon isla markaana ay qaar ka mid ahi dalka dib ugu soo laabteen.

Somaliland Post

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories