HomeWasaaradda Waxbarashada: Manhajka Dugsiga Sare ee Somaliland Waxa Ku Jira Inaynu Daanyeer...

Wasaaradda Waxbarashada: Manhajka Dugsiga Sare ee Somaliland Waxa Ku Jira Inaynu Daanyeer iyo Bakteeriya Ka Nimi!‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maan jeclayn in an qalinka u qaato dhaliilisa wasaaradda waxbarashada oo dawladda masuul uga ah arrimaha waxbarashada, laakiin maadaama oo aanan xidhiidh toos ah lahayn masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee mawduucani khuseeyo waxa an jeclaystay in aan saxaafadda u sii mariyo.
Sideedaba marka manhaj la samaynayo waxa la sameeyaa mid ku habboon diinta, dhaqanka, iyo caqiidada ummadda manhajka loo samaynayo. Tusaale ahaan manhajka loogu talogalay dal Kiristan ahi kuma habboona dalalka Islaamka ah, waayo waxa ku jira waxyaabo ka hor imanaya diinta Islaamka.
Haddaba dalka Somaliland waa dal ay ummaddiisu 100-kiiba 100 ummad Islaam ah tahay, waxaana manhajka u sameeya wasaaradda waxbarashada Somaliland oo waxqabadkeedu dhaliil iyo ammaanba leeyahay.

Gafafka ku jira buugaagta ay daabacaday Wasaaradda waxbarashadu waxa ka mid ahaa sawirkii muujinayay Nebi Maxamed oo adhi la jooga, kuna yaallay buugga maaddada tarbiyada Islaamiga eel fasalka koowaad ee dugsiga hoose sawirkani waxa uu sababay in gebi ahaanba la mamnuuco faafinta nuqullada buuggaas.
Qaladyo kale ayaan iyagana arkay, waxaana ka mid ah qalad aad u fool xun oo ku jira manhajka Somaliland, gaar ahaana maaddada Biology-ga eel loogu talogalay fasalka labaad eel dugsiga sare (From two).
Cutubka uu qaladkani ku jiro, waxa loogu talogalay in laga dhigo buugga uu magaciisu ayah ‘Bilogy First’ eel ay qoreen Goerge Bethel iyo David Coppock oo ay daabacday Oxford.
Cutubkan oo uu magaciisu yahay ‘Patterns of inheritance’, kuna yaalla xaashiyaha 76-88 ee buuggaas waxa ka mid ah aragtida loo yaqaanno ‘Evolution’ oo sheegaysa in dadku asal ahaan ka yimaaddeen daanyeer, waxaana ku dhex sawiran saynisyahankii aragtidaas keenay ee Charles Darwin.
Xaashiyaha cutubkani waxa ay qoraal ahaan iyo sawir ahaanba ku muujinayaan nooleeyalaal daanyeerro ahaa oo dad isu beddelaya, oo markii hore lahaa dhogor, waji daanyeer, kuna socon jiray afar lugood, aakhirkiina la leeyahay waxa ay isu beddeleen daanyeeradaasi, dadkan hadda nool.

Sideedaba waa xaaraan maqdac ah in mawduuca evolution-ka lagu daro manhajka Somaliland, waayo waa aragti si toos ah u burinaysa in Ilaahay ka abuuray bani Aadamka dhoobo. Aqoonyahanno badan oo ah Reer galbeedka qudhooduna fikirkan waa ay ka biyo diideen.
Inkasta oo  manhajka wasaaradda waxbarashada Somaliland ee maaddada Biology-ga ay sameeyeen aqoon-yahanno reer Somaliland, nin ay habari dhashay hal ma seegi waydo e, mamduucani waa mid ilduuf ama badheedh toos ah ku yimi manhajka dhexdiisa, waajibna ay tahay in looga saaro manhajka sida ugu dhakhsaha badan.

Waxyaabaha kale ee ku jira manhajka waxa ka mid ah in ay nooleyaashu yihiin laba qaybood marka loo eego unugyada ay ka samaysan yihiin oo kala ah: bu-laaweyaal ‘prokaryotes’ iyo kuwo bu’ leh ‘eukaryotes’. Dadka aan islaamka ahayni waxa ay rumaysan yihiin in nooleyaasha bu’da lihi ay ka soo jeedaan kuwa aan bu’da lahayn oo la yidhaahdo waa ay ka da’ weyn yihiin kuwa bu’da leh. Haddii qofka muslimka ah lagu yidhaahdo ‘abtirso’, waxa uu ugu dambayntii ku aroorayaa Nebi Aadan oo Alle ka abuuray ciid. Laakiin gaalada qaarkood waxa ay ku abtirsadaan bakteeriya badda ku noolayd. Iyada oo aamminsan in aynu asal ahaan ka soo jeedno nooleyaasha aan bu’da lahayn ee ay bakteeriyadu ka midka tahay.

Miyaanay ahayn in la hubiyo waxa Diinta Islaamka ka hor imanaya ee dugsiyadeenna lagu dhigo?

Manhajka noocan ah miyay ummad 100% muslim ahi wax ka baran kartaa?

Yaa ka masuul ah gefka intaas leeg ee ardayda lagu barbaariyo?

 

Khadar Maxamed Faarax

khadarmfr@gmail.com

Hargeysa

0634478731

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories