HomeWasaaradda Shaqo-gelinta oo Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaalinta ku tabobaraysa Ka-hortagga Tacaddiyada Haweenka...

Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaalinta ku tabobaraysa Ka-hortagga Tacaddiyada Haweenka & Carruurta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Haddii aan laysu iman oo wixii khibrad cusub ee tabobarro u baahan laga wada-hadal, waxa dhacaysa inaynaan si wada-jir ah wax uga qaban Karin hawsha aynu ka wada-shaqaynayno ee ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ka dhacaya dalkeena iyo Ciddii sharciga khilaafaysa” – Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay tabobar ku saabsan ka-hortagga Tacaddiyadda ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta iyadoo sharciga dalka lagu dabbaqayo.

Tabobarka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta isla markaana socon doona muddo saddex maalmood ah, waxa duruusta lagu dhigayo ka faa’idaysanaya xubno ka socda Ciidanka Booliska, Laanta Dambi-baadhista, Xeer-ilaalinta Qaranka oo wada-shaqayn ka dhaxayso Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.

Ciidanka Booliska, Laanta Dambi Baadhista, Xeer-Ilaalinta Qaranka, Daryeelayaashada Bulshada ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, ayaa si dhow isaga kaashada wax-ka-qabashada iyo isku-dubaridka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, Carruurta iyo dhammaan Kooxaha u nugul tacaddiyada.

Furitaanka kulanka aqoon-isweyndaarsiga ah, waxa ugu horeyn hadal ka jeedisay agaasime waaxeedka Qoyska ee Wasaaradda Muna Ciise oo sheegtay in muhiimadda aqoon-isweydaarsigani tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Ciidanka Booliska, gaar ahaan Laanta Dambi-baadhista iyo sidoo kale Xeer Ilaalinta Qaranka, kaas oo khuseeya ka-hortagga xad-gudubyada lagula kaco Haweenka, waxaanay xustay inuu daba-socdo tabobarro ay wasaaraddu hore u qabatay.

Madaxa tabobarrada Ciidanka Booliska Gaashaanle Cabdiwaaxid Nuur Axmed, ayaa dhankiisa tilmaamay muhiimadda ay tabobarada noocan ahi u leeyihiin Ciidanka Booliska, waxaanu xubnaha metelaya Ciidanka ee kulanka ka qayb-galay kula dar-daarmay inay ka faa’idaystaan duruusta loo dhigayo isla markaana ay shaqadooda ku dabbaqaan.

blankAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Md Cabdirashiid Ibraahim oo ka hadlay muhiimadda tabobarka, ayaa sheegay inuu kulamada noocan ahi qayb ka yihiin sii xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha ay wada-shaqaynta  leeyihiin ee ku saabsan xakamaynta danbiyada ka dhaca dalka iyo wax-ka-qabashada xad-gudubyada ka dhanka ah shuruucda dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Qoyska Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

“Haddii aan laysu iman oo wixii khibrad cusub ee tabobarro u baahan laga wada-hadal, waxa dhacaysa inaynaan si wada-jir ah wax uga qaban Karin hawsha aynu ka wada-shaqaynayno ee ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ka dhacaya dalkeena iyo Ciddii sharciga khilaafaysa,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland oo intaas ku daray in tabobarrada ama kulamada noocan ahi kobcinayaan heerka Aqooneed iyo wada-shaqaynta ay Wasaaraddu la leedahay Ciidanka Booliska, Waaxda Dambi-baadhista iyo Xeer-ilaalinta ee dalka.

Agaasimaha Guud ee oo ka hadlayey muhiimadda ugu weyn ee xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha xidhiidhku ka dhexeeyo ee tabobarka ka qayb-galay, waxa uu yidhi, “Ujeeddadayadu waxay tahay sidii dalkeennu u noqon lahaa mid Cid waliba, cid nugul iyo cid xoogweyniba, si sharciga waafaqsan ay dalkeenna ugu noolaan lahayd.”

blankMd Cabdirashiid Ibraahim oo ka hadlayey hannaanka wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha tabobarka loo furay, waxa uu yidhi, “Annagu waxaanu leenahay daryeelayaal-bulsho, kuwaas baa wixii dhibaato ah soo gudbiya, hay’adaha dambi-baadhista ayaanu la wadaagnaa, boolisku iyagaa shaqadooda qabsada, Xeer-ilaalintuna iyadaa wixii dambi ah ku soo oogta ciddii sharciga khilaafaysa, markaa wada-shaqayntaas ayuunbaynu sii xoojinaynaa”.

blankTabobarkan noocan ah ayaa noqonaya kii saddexaad ee Wasaaradda Shaqo-gelintu u qabato hay’adaha dowladda ee shaqadoodu la xidhiidho tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta.

blankblank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories