HomeWasaaradda Shaqadda Oo Dejisay Siyaasadda Xuquuqda Caruurta

Wasaaradda Shaqadda Oo Dejisay Siyaasadda Xuquuqda Caruurta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)  – Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, ayaa soo bandhigtay qorshe lagu dejinayo siyaasada qaranka ee xuquuqda ay caruurtu leeyihiin, kaas oo ay Wasaaradu soo diyaarisay.Cabdi-aw-Daahir

Kulan socon doona laba maalmood oo shalay ka qabsoomay magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, hay’addaha ay wadashaqaynta leeyihiin iyo masuuliyiinta Wasaaradaasi.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa sheegay in Wasaarad ahaan dejiyeen siyaasad cad oo  lagu hago xuquuqda ay caruurtu leeyihiin “Waxaynu ka hadlaynaa waxa weeyaan siyaasad in aynu u dejino caruurteena, xuquuqdooda, wixii loo tari lahaa, wixii waajib ku ahaa qaranka iyo dawlada, waalidka iyo cida kaleba in waajibaadka uu leeyahay  ilamaha caruurta ahi in siyaasad uu leeyahay halkan uga dejino islamarkaana aynu sharci u samayno, waxay ila tahay hawl badan la inoogama baahna sidaad idinkuba sheegteen oo idinkaa muddo ka soo shaqaynayay aad baanan idinku mahadcelinayaa. Maanta (shalay) waxa weeyaan axadhkii, axadhka waxa la yidhaahdaa marka wax la soo dhameeyo waxna laga saarayo, haddii wax dheeraad ahi jiraan waxna lagu kordhinayo hadday u muuqato.” Ayuu yidhi Dr Cabdi Aw Daahir.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada waxa kale oo uu sheegay in xeerkan ay u gudbinayaan golaha Wasiirada iyo baarlamaanka, waxaanu yidhi  “Afkaaraha aad is weydaarsan doontaan labadaa maalmood, waxay ila tahay intaad hawl qabataan bay noo fududaanaysaa hawshu markaanu geynayno golaha Wasiirada ama baarlamaanka  oo markaasay inoo fiicnaanaysaa, waana in aynu door fiican ka qaadanaa labadaa maalmood. Waan idinka mahadcelinayaa inaad kulankan ka soo qaybgashaan.”

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee Wasaarada shaqada Luul Aadan Geedi ayaa sheegtay inay muhiimtahay hirgelinta xeerka caruurta, waxaanay tidhi “Waa arrin muhiim ah, maxay caruurtu xuquuq leeyihiin iyo maxay xaq u leeyihiin, qof kasta oo ka mid ah daneeyayaasha caruurta waa xeerka uu raacayay, waa xeer loo baahan yahay la hirgeliyo iyo siyaasada lagu hagayo caruurta.”

Dhinaca kale masuuliyiin ka socday hay’addaha ay wadashaqaynta leeyihiin Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo kulankaasi ka hadlay  ayaa sheegay  xeerkani u ahmiyad u leeyahay mustaqablka caruurta.

Somalilandpost.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories