HomeWasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha oo Shaacisay Dhaqan-galka Xeer Markii u horeysay...

Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha oo Shaacisay Dhaqan-galka Xeer Markii u horeysay lagu maamulayo Biyaha Dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu soo bandhigayay xeerka biyaha Somaliland oo ay dhawaan Goleyaasha Sharci-dejinta ee Somaliland Ansixiyeen, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland si rasmi ah u dhaqan galiyay.

Kulankan oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa,waxaa kale oo ka qayb galay Mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaha samo falka ee dalka ku sugan.

Kulanka (2)Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo kulankaas ka hadlay ayaa ka warramay faa’iidada xeerka biyaha Somaliland, isagoo xusay in xeerkani yahay qaanuunka lagu kala hagayo maamulka iyo horumarinta biyaha ee Somaliland.

“Waxaynu halkan doonaynaa inaynu ku dhaqan galino laba arrimood ama aynu ku shaacino. Arrinta ugu horaysa waxa weeye in aynu shaca ka qadayno maanta sharcigii ama xeerkii Biyaha ee Dalka Somaliland. waxa muddo badan laga shaqeenayey sidii aynu xeerka Biyaha u samaysan lahayn oo ah xeer hagaaya Biyaha. Markaa waxa farxad wayn ii ah inaynu soo gaadhnay marxaladdaas faa’idada inoo ah inaynu haysano xeer Biyaha ku maamulno. Dalkeenu hore umuu lahayn xeerka Biyaha, xeerkanina wuxuu soo maray hawl aad u wayn. Madaxwaynaha aad ayaan ugu mahadnaqayaa inuu saxeexay xeerkan iyo Baarlamaankeena oo ah kuwa sharciga inoo sameeyay iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay xeerkan oo waxa uu inoo leeyahay faa’idooyin badan,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale

KulankaWaxaa kale oo uu Wasiirku Sheegay in xeerkani jidaynayo daadejinta maamulka biyaha ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland,isagoo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la faafiyo oo la hirgaliyo xeerkan oo mudo badan laga dhursugayay. “Waxaan filayaa inuu xeerkani wax wayn ka taraayo maamul wannaaga Biyaha, taas oo ah inaynu ilaalino Biyaha yare e aynu hyasano, waxa kale oo xeer kan Biyuhu uu qayaxayaa waxa uu soo kordhinaayo,”ayuu wasiirku yidhi.

Eng. Xuseen sidoo kale waxa uu ugu baaqay ciddii uu quseeyo xeerkan Biyaha inay sida ugu dhaqsaha badan ay kaalin mug leh ka qataan, waxaanu yidhi.“Haddaba waxaan farayaa dhamaan xafiisyada WMT, Biyaha iyo Ha’yaddaha hoos yimaada ama wada-shaqaynta la leh ee si toosa ah ama si dadban inay kaalin mug leh ka qaatan hirgalinta xeerkan biyaha una hogaansamaan nuxuradiisa oo waxyaabo badan u soo kordhinaaya dalka. Xeerkani oo ka hadlaaya dhawrida, horumarinta iyo kor u qaadista tayada biyaha iyo khayraadka biyaha. Waajibaadka macaamiisha iyo xaquuqda ay leeyihiin, waxa kale oo xeerkani fasirayaa Biyo siinta Magaalooyinka iyo Miyiga oo wax wayn laga qabanayo.”

Kulanka (1)

Waxaa kale oo kulankaas faahfaahin iyo Sharaxaad ku wajahan xeerkan ka soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaarada Macdanta,Biyaha Axmed Dirir iyo Waaxda Wakaaladaha Biyaha Cabdisalaan Sh. Cali Jawhar oo sheegay in Xeerkani uu yahay mid si dhamaystiran ugu adeegaya habka loo maamulayo loona horumarinayo biyaha dalka.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories