HomeWasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo sharraxaad ka bixisay Cabashooyin ka taagan Shirkad...

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo sharraxaad ka bixisay Cabashooyin ka taagan Shirkad Shiinaha laga leeyahay oo hawlo Macdan-qodis ah ka wadda gobolka Awdal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

agaasimaha Guud ee TamartaHargeysa (SLpost)- Wasaarada Macdanta iyo Tamarta   Somaliland, ayaa ka hadlay cabashooyin ka soo yeedhayey dadka deegaanka Baki ee gobolka Awdal oo dhowaan shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo xukuumaddu heshiis la gashay oo hawlo macdan baadhis ah ka bilowday deegaankaas.

Agaasimaha guud ee wasaarada Macdanta iyo Tamarta Siciid Axmed Jibriil oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay inaanay jirin hawlo macdan baadhis ah oo laga bilaabay deegaankaasi, balse ay jirto shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo Sahamin dhinaca macdanta ah bilowday, ka hor inta aan la bilaabin baadhista macdanta.

Agaasimaha guud ee Wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland oo ka hadlaya eedaymo loogu jeediyey shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee hawlaha Macdanta Sahaminta ah ka bilowday gobolka Awdal, waxa uu yidhi, “Waxaanu xaqiijinaynaaa oo aanu cadaynteeda bixinaynaa warar iyo baaqyo iyo shirar jaraa,id oo todobaadyada u danbeeyey  ku soo noq-noqonayey saxaafada qaranka kuwaas oo ka hadlaya meesha la yidhaa Siimoodi oo ka tirsan degmada Baki oo ay wasaaradda la wado wada-hadal shirkada Chinese ah oo doonaysa inay deegaankaas ka qoddo nooc ka mid ah macdanta wershadaha loo isticmaalo oo la yidhaa Prelium, taas oo qolyo sheeganaya deegaanka oo intooda badani deggan magaalada Boorame ay ka waramayeen sun, xaaluf iyo isku dir dad iyo hawlo badan oo meesha ka jira, waxanan doonayaa inaan ka warramo sida ay wax uga jiraan iyo talaabooyinka ay wasaaradu qaaday.”

Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Siciid Axmed Jibriil oo ka hadlaya sidii ay shirkadan oo laga leeyahay wadanka Shiinaha ku bilawday hawlaha sahaminta macdanta, waxa uu yidhi, “Shirkadan Shiinaha ah waxa la yidhaa ARC (African Resource Company) mudo badan ayaanu joogeen wadanka, mudadaasna  waxa ay ka shaqaynayeen hawlo ganacsi oo u gaar ah, isla markaana dadkeena macdan qodayaasha ah ka iibsan jireen waxyaalaha yar yar ee ay meelahaas ka qodaan dabadeedna uu dhoofiyo, wasaaradu markii ay hawlahaas ogaatay waxay la xidhiidhay shirkadan, waxaanay shirkadani soo bandhigtay inuu xiisaynayo inuu wadanka macdan ka soo saaro, waxaanay wasaaradu ogolaatay inuu sameeyo sanadkii 2013-kii qodaal xadidan, qodaalkaas oo lagu ogaanayo nooca macdanta iyo kaydka macdanta ee meeshaas ku jiro, meesha laga qodayaana waa meesha la yidhaa Caduurada, sidaas ayaanay shirkaddu ku timid dalka sidaas ayaanu ku bilaabay hawsha muddo sanad ahna way wadday. Markii ay heleen macdan nooca warshadaha loo adeegsado ayey wasaaradu u dirtay khubaradeeda oo xaqiijiyey inaan macdantan la soo saari Karin ilaa baadhitaan lagu sameeyo saamaynta ay ku yeelanayso deegaanka. Waanan hakinay qoditaankedii.”

Agaasimaha guud ee Wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland waxa uu ka war-bixiyey natiijada ka soo baxday deraasad lagu sameeyey dhibaatada ay macdanta laga qoodayo degmada Baki ku keeni karto deegaanka iyo sida looga gaashaamanayo, taas oo ay ka caawisay Shirkad laga leeyahay waddanka Kenya.

“Shirkad wadanka Kenya caan ka ah oo markii sadexaad dalkeena ka sameeyey baadhitaan saamaynta deegaanka (Environmental  Impact Assesment) ee macdanta ayaan ka codsanay inuu hawshaa noo fuliyo oo hore la shaqeeyay shirkadaha Genal Energy, DNO iyo Rag Gas ayaa wadanka yimid waxaanu sameeyey warbixin ka kooban 170 bog ah, waxaana ku jiro sida looga gaashaamanayo, sida looga ilaalinayo deegaanka, nooca ay macdantu tahay, habka loo qodayo iyo qalabka ay shaqaaluhu gashanayaan, markii ay wasaaradu intaas soo diyaarisay ayey dib ula bilawday wada hadalkii Company-ga Chinese-ka ah ee ARC ilaa haddana ma jiro wax qodaal ah oo laga wado meeshii, mana jiro wax heshiis ah oo lala galay shirkadaas oo la saxeexayna ma jiro laakiin waxa jira wada hadal u socda wasaarada iyo shirkadaas oo gaba-gabo ku dhaw, waxaana la filayaa in ugu danbayn bishan October uu dhamaado heshiiskani iyada oo waliba la raacayo talaabooyinka ku haboon sidii loo badbaadin lahaa deegaanka, dadka iyo sidii looga faa’idi lahaa,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud. Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa u intaas ku daray, “Intaas ka dibna wasaaradu waxay bilawday wacyi gelin, waxani halka ay ka yimadaana wasaarada ayaa dadka u sheegtay wasaarada ayaana ku war gelisay dhibaatada ay leedahay macdanta meesha laga qodayo waxaana lagu war geliyey inaan waxba laga qaban doonin ilaa la helo sida looga gaashaamanayo,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories