HomeWasaaradda Maaliyadda Somaliland oo sheegtay inay Saluugsan tahay Dakhiliga gobolka Togdheer

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo sheegtay inay Saluugsan tahay Dakhiliga gobolka Togdheer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cadaaniBurco (SLpost)- Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyaddu ay aad u saluugsan tahay nidaamka dakhli ururinta ee gobolka Togdheer.

Wasiirul-dawlaha Wasaarada maaliyadda Somaliland waxa uu sheegay inaanay wasaarad ahaan garan karin sababta uu dakhilga magaalada Burco uga hooseeyo heerkii laga filayey, waxaanu ugu baaqay shaqaale-weynaha wasaaradda ee gobolka inay ku dedaalaan kor-u-qaadka dakhliga cashuuraha Berriga.

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu maanta la qaatay shaqaalaha wasaaradda ee gobolka Togdheer, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Qayb muhiim ah ayaad kaga jirtaan inay Somaliland noqoto qaran ka mid ah waddamada caalamka sida aad u shaqaysaan ayaa inta kale oo dhamina ku soconaysaa. Dakhliga Burco waanu dhaliilaynaa, ma shaqo xumaa, aad baanu u dhaliilaynaa. Maalin kasta aniga iyo wasiirka waxa subaxa hore naloo keenaa dakhliga dalka oo dhan, maalin dhawna waxaanu ku soconaa inay wax waliba noqdaan elektaroonik,” ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, isaga oo intaas ku daray, “Waa magaaladii labaad ee qaranka Somaliland, cashuuraha barriguna waa inay horumar sameeyaan, wax walibana qorshe ayey ku socdaan iyo nidaam, magaalada intaa le’eg iyo dakhliga soo xeroonayaa laba is leh maaha, waxaanu doonaynaa inaad iskugu tagtaan  sidii uu u kordhi lahaa dakhliga gobolku, muhiimna weeyaan shaqada aad gobolka ku haysaan,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu ugu baaqay guud ahaan shaqaalaha wasaaradda ee gobolka Togdheer inay ku dedaalaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen dakhliga gobolka Togdheer oo uu sheegay inay wasaarada maaliyaddu aad u saluugsan tahay dakhliga ka soo xerooda isla markaana aanay islahayn baaxaddeeda iyo wax-soo-saarkeedu.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories