HomeWasaaradda Maaliyadda Somaliland oo bilowday Kulamo ay Hay’adaha Dawladda kula faaqidayso ku-tal-galka...

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo bilowday Kulamo ay Hay’adaha Dawladda kula faaqidayso ku-tal-galka Miisaaniyadda 2015-ka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay kulan bilowga u ah lafo-gurka miisaaniyad-sannadkeeda 2015 la qaatay masuuliyiinta qaar ka mid ah hay’adaha dawladda.

Kulankan oo shalay ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxa ka qayb-galay Wasiirrada Ganacsiga, Kheyraadka Biyaha, Hawl-galaha Guud, Maareyaha hay’adda Ka hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo xubno kale, ayaa bilow u ah kulamo kala duwan oo wasaaradda maaliyaddu kula gorfaynayso wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda isu-dheelli-tirka dakhliga iyo wax-soo-saarka ay ku leeyihiin miisaaniyad-sannadeedka sannadka soo socda.

SamaaleUgu horeyn waxa kulankaas ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sharraxay ujeeddooyinka ay xambaarsan yihiin kulamada ay la qaadanayaan masuuliyiinta dawladda.

“Waxaanu maanta (shalay) bilownay faaqiddaada miisaaniyadda qaranka ee 2015-ka ee aanu wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka la yeelanayno, hawshaasina sidii aanu ugu talo-galnay ayay noogu bilaabantay, maanta waxaanu la kulannay wasaarado iyo hay’ado kala duwan oo dhammaantood aanu ka doodnay waxna iskula eegnay siday noqonayso miisaaniyadda 2015-ku, si aad u qiime badan baanu uga wada-hadalnay, tiiyoo ku-talagalka miisaaniyadda 2015-ka aanu doonayno meelaha culayska la saarayo ay ugu horreeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, sidaas awgeedna, aanu mudnaanta koowaad siin doono arrinta doorashooyinka,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland isaga oo sheegay inay maalmaha soo socda uu kulamo noocan ah la qaadan doono masuuliyiinta laamaha dawladda.

Kulamada wasaaradda Maaliyaddu la qaadanayso hay’adaha kala duwan ee dawladda, ayaa la qorsheeyey inay socdaan muddo 12 maalmood ah, iyada oo sida wasiirku sheegay diiradda lagu saari doono kharashaadka ku jira miisaaniyadda sannadka soo socda ee loogu talo-galay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka 2015-ka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories