HomeWasaaradda Maaliyadda Iyo Baanka Dhexe Oo Shaaciyay Qorshe Cusub Oo Sicirka Doolarka...

Wasaaradda Maaliyadda Iyo Baanka Dhexe Oo Shaaciyay Qorshe Cusub Oo Sicirka Doolarka Hoos Loogu Dhigayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe, Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel, Ganacsatada Qaadka iyo Sarriflayaasha, ayaa shir ay Maanta yeesheen ku iclaamiyey qorshe dalka oo dhan laga hirgelin doono oo qiimaha Dollarka Hoos loogu dhigayo.
Somaliland shilling

Qorshahan, ayaa ah in dhammaanba dhaqdhaqaaqyada Zaad-ka iyo E-dahabka lagu isticmaali doono Lacagta shillinka somaliland, isla-markaana lagu joojinaya Dollarka adeegyadaas loo isticmaalo.

Halkaas waxa ka Hadlay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe, waxana ay sharraxaad ka bixiyeen Nidaam heshiis lagu yahay oo lacagahaas Dollarka ah lagu joojiyo, isla-markaana halkooda loogu beddelayo Shilinka somaliland oo hoos u usii socda.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Jaamac oo ugu horrayn halkaas ka Hadlay, ayaa faahfaahiyey natiijo kasoo baxday Shira isdaba joog ahaa oo Waaxaha maaliyadda ee Baanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, shirkadaha Qaadka keena, Kuwa Adeegyada Zaad-ka iyo E-dahabku lahaayeen Maalmahan, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,  “Halkan waxa iskugu yimi Baanka, Wasaaradda Maaliyadda, Shirkadaha Telesom iyo Somtel iyo Raggii ka shaqayn jirey oo kuwii ugu waaweynaa ay halkan joogaa iyo qaadlayaashii, intayadaas oo dhamina waxa aanu iskugu nimi inaaanu ka wada tashano shirar maalmahan oo dhan noo socday oo lagaga hadlayey sidii loo dejin lahaa heerka sarrifka oo maalmahan aad u kacay, waxana la isku afgartay in marka hore Zaad-ka iyo E-dahabka oo ah laba hab oo ku shaqeeya Dollar-ka oo dadki jeebka ku sitaan oo wax ku iibsadaan oo shilinkii somaliland aad cidhiidhi u geliyey in la joojiyo dollarka oo laga dhigo shillin somalilnad waana isla waafaqnay, wakhtigii la bilaabi lahaana dib baanu kasoo sheegi doonaa.”

 

Wasirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyaduna Halkaas ka Hadashay, ayaa sheegtay in dhawaan Adeegyadaas lagu bixin doono Lacagta Somaliland, isla-markaana arrintaas heshiis lagu gaadhay, iyadoo loo arkay xal kor loogu qaadi karo Qiimaha lacagta somaliland oo hoos u dhacday, waxana ay tidhi,, “inta dollarku meesha sare gaadhay shirar aanu soo wadnay, ayaa ay ka dhalatay oo la isla gartay in shilinka somaliland uu noqdo ka wax lagu iibsado haddii ay dukaan tahay iyo haddii ay E-dahab iyo Zaad tahay, waxana aanu umaddeena u sheegaynaa inay dollarka ilaawaan, dukaanka marka la galo odhanaya waa intaas oo dollare waa inuu somaliland sheegaa dadkuna ay lacagteena gacanta ku sitaan, fadhigayaganina waxa uu astaan u yahay in lagu heshiiyey in Lacagta somaliland la isticmaalo.”

Dhawaaqan maanta kasoo baxay Ha’yadaha maaliyadda Somaliland iyo SHirkadaha Madaxa Bannnaan ayaa ka dambeeyey Korukac ballaadhan oo qiimaha dollarka ku yimi, kaas oo ay barbar socotay hoos udhaca lacagtta somaliland si joogto ah ugu socday, waxana la dhawrayaa halka ay arrimahaasi ku dambayn doonaan.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories