HomeWasaaradda Kalluumaysiga Oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeynayo Sidii Loo Soo Saari Lahaa...

Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeynayo Sidii Loo Soo Saari Lahaa Kalluun Tayo Leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Haregysa, (SPost)- Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka furtay kulan lagaga arrinsanayo sidii loo soo saari lahaa kalluun tayadiisu wanaagsan tahay.

Kulankan oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa kasoo qaybgalay wasaaraddaha xanaannada xoolaha, deegaanka, hay’adda dhawrsita tayada, masuuliyiin ka socday jaamacadda culuumta badda ee magaalada Berbera  iyo dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan hawleedkaas, isagoo sheegay in la gaadhay xilligii la tayeyn lahaa kalluunka Somaliland. “Somaliland bad weyn oo dheer ayay leedahay kalluun baa laga soo saaraa, kalluunkaas laga soo saaro inta badan wixii dibadda loo dhoofiyo waxa gurta maraakiib ajinabi ah, waxaynu gaadhnay waqtigii ay Somaliland tayada kalluunka ay soo saarto ay eegi lahayd, baran lahayd, hubin lahayd oo aynu badka keeni lahayn kalluun tayo leh oo la cuni karo, la inagana iibsan karo.” Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysigu Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey).

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda khayraadka badda Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa kula dardaarmay kasoo qayb-galayaashii kulankaas inay ka faa’iidaystaan muddada uu socdo kulankaas, isla markaana ay wax ka korodhsadaan.

Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay in loo baahan yahay aqoonta ay bartaan ka qaybgalayaashu inay kula noqdaan deegaamadii ay ka yimaadeen, isla markaana ay ku dabaqaan xirfaddooda shaqo, waxaanu yidhi. “Duruustan iyo wixii aad halkan ka barateen ma rabno inay mar labaad dib usoo noqoto oo dhawr bilood ka dib ama sannadka dambena la yidhaahdo, casharadii hore oo kale ayaa la idiin dhigayaa intan waa inaad haysaan oo dokumenti ahaanna u haysaan, aqoon ahaanna u haysaan, isla markaana aad ka faa’iidaysaan oo shaqadiina aad hadhaw ku dabaqdaan oo nin walba deegaankii uu ka yimi uu kula noqdaa.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada, madaxa hay’adda OXFORM, madaxa mashruuca ka faa’iidaysiga kalluunka  ee hay’adda OXFORM oo dhamaantood ka hadlay kulankaas ayaa ka warbixiyay sida ay muhiimka u tahay in la tayeeyo kalluunka laga soo saaro baddeena Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories