HomeWasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Tabobar Muhiim ah u Qabatay Agaasimeyaasha Maamulka iyo...

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo Tabobar Muhiim ah u Qabatay Agaasimeyaasha Maamulka iyo Lacagta ee hay’adaha Dowladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tabobarkan ayaa Qayb ka ah Qorsheyaasha Horumarinta Wasaaradda ee Aqoonta Nidaamka Maareynta Xogta Maamulka Maaliyadda

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ayaa maanta tabobar u soo xidhay Agaasime-waaxeedyada maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.

Tabobarka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda isla markaana socday muddo saddex maalmood ah, waxa saraakiisha Dowladda ee ka qab-galay lagu tabobaray nidaamka is-wada ee Maareynta Xogta Maamulka Maaliyadda si loogu dabbaqo diyaarinta Miisaaniyad-sannadeed 2023/2024-ka.

Kulan-hawleedka oo duruusta lagu baranayey ay bixinayeen khubaro ka tirsan waaxaha Miisaaniyadda iyo IT-ga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa hawl-wadeennada Dowladda lagu tabobaray qodobbo ay ka mid yihiin hab-raacyada Diyaarinta Miisaaniyadda sannad soo socday, xaddiyada Qoondooyinka la dhaafi karin, summad-xisaabeedka loo adeegsado miisaaniyadda oo wax-ka-beddel lagu sameeyey iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

blankAgaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Yaasiin Ducaale oo kulanka ka hadlay, ayaa hawl-wadeennada kula dar-daarmay inay si habboon u dabbaqaan ugu shaqeeyaan Aqoonta ay korodhsadeen.

Hawl-wadeennada ka socday hay’adaha Dowladda ee ka qayb-galay Aqoonis-korodhsigan oo kulanka ka hadlay, ayaa ballan-qaaday inay dabbaqi doonaan isla markaana ay shaqadooda ka muuqan doonto aqoonta ay barteen, waxaanay Wasaaradda maaliyadda ku bogaadiyeen siyaasaddeeda kobicinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

blankAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo hadal ka jeediyey kulan-hawleedka lagu soo gunaanaday tabobarkan, ayaa hawl-wadeennada ugu baaqay inay hawl-maalmeedka masuuliyadda ay qaranka u hayaan ku dabbaqaan aqoonta ay barteen.

“Aqoontu waa wax joogtaa oo u baahan in boodhka laga tumo oo u baahan inuu Qofku sii kordhisto, aqoonta uu doono halahaadee, waayo waxa si xawli ah isu beddelaya teknoolajiyadda,” sidaas ayuu yidhi Agaasime Maxamed Xuseen, waxaanu intaas ku daray, “Tabobarkani wuxuu ku saabsan yahay hab-raacyada diyaarinta miisaaniyadda iyo xaddiyada Qoondada miisaaniyadda sannadka soo socda sidii aanay inta loo qoondeeyey hay’adaha Dowladda iyo Ciidamada u dhaafi lahayn iyo kharashyada la xidhiidha shaqaalaha, derajooyinka Ciidamada iyo derajooyinka shaqaalaha madaniga ahb isbeddelada ku imanaya sidii loogu tala-gali lahaa”.

blankAgaasimaha Guud waxa uu sheegay in xoojinta iyo kor-u-qaadista Aqoonta ay Shaqaalaha Dowladda ee Diyaarinta miisaaniyaddu khuseysaa u leeyihiin barnaamijka Is-wada ee lagu dejiso qoondeynta iyo diyaarinta Miisaaniyaddu ay ka mid yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee tabobarka loo qabtay.

“Nidaamkani wuxuu xoojinayaa isla-xisaabtankii iyo daah-furnaanta maadaama Qof kasta arki karo waxyaabaha meesha ku jira, taasoo qofka u saamaxaysa inuu halkeedaa ku ansixiyo, wax ka beddelo ama faallo ka bixiyo, wuxuuna ka mid yihiin geeddiga aynu u soconno oo ay casriyeynta nidaamkeena maaliyadeed ilaa wax waliba ay noqdaan wax daahfuran oo la wada-arki karo oo aynu kula dagaalayno wax-is-daba marinta iyo musuq-maasuqa,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

blank blank

blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories