HomeWasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ka shirtay Wax-qabadka Saddexdii bilood ee u dambeeyey

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ka shirtay Wax-qabadka Saddexdii bilood ee u dambeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Kulan-hawleed lagu soo bandhigayey wixii u qabsoomay Wasaaradda gaar ahaan saddex-biloodka ee u dambeeyey sannadkii hore, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo ujeeddadiisu ahayd sidii qiimeyn loogu samayn lahaa wax-qabadka wasaaradda ee intii u dhaxaysay bilihii October ilaa December ee sannadkii 2020-kii.

blankKulanka oo uu goob-joog ka ahaa wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud, waxa ka qayb-galay madax-waaxeedyada kala duwan ee Wasaaraddu ka kooban tahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulanka iyo natiijada ka soo baxday, ayaa u dhignaa sidan:-

blank“Masuuliyiinta Waaxaha kala duwan ee wasaaradda ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf  iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, waxa masuul kasta laga warsaday wixii uga qabsoomay qorshe-hawleedkii loo xadiday Xafiiskiisa, hawlaha aan u qabsoomin, sababaha keenay kuwa baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta, iyo soo jeedimaha uu qabo masuulkasta.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka  Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.

Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.

blankKulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isagoo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmay u diyaargarawga hawlaha baaaxada leh ee masuulkasta horyaala sanadkan bilawga ah ee 2021.

Ugu danbayn, Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa caqabad kala kulmaysay sanadkii tagay saamayntii dhaqaale ee uu abuuray caabuqa COVID-19, iyo Ayixii ku habsaday qaybo badan oo ka mida dhulka JSL, kaas oo samayn ba’an u gaystay wax soo saarkii dalaga iyo dhul-daaqsimeedkii xoolaha, isagoo abuuray kharashaad badan oo lama filaan ah. Waxaanay isugaynta labadaas arimood u gaysteen saamayn taban guud ahaan dhaqaalaha Somaliland.” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories