HomeWasaaradda Horumarinta Jidadka Oo Qalab Iyo Gaadiid Cusub Ku Daah-Furtay Bilowga Wejiga...

Wasaaradda Horumarinta Jidadka Oo Qalab Iyo Gaadiid Cusub Ku Daah-Furtay Bilowga Wejiga 2aad ee Dhismaha Waddada Ceerigaabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jadadka Somaliland iyo Wafti uu hogaaminayo oo gaadhay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa daah-furay weji labaad oo dhismaha Wadada isku xidha Goboladda Togdheer iyo Sanaag, lagana bilaabay Degmada Gar-adag.

 

Wasiirku waxa uu halkaas ku daah-furay Qalab iyo Gaadiid Cusub oo isugu jira Cagafyo, Iskarogooyin Waaweyn iyo yaryar, Booyado Biyood iyo Gaadhi Kalagshar Jayga sameeyaa saaranyahay, kuwaas oo ay Wasaaraddu soo iibisay kuwaas Wakaalada Wadooyinka JSL ku shaqayndoonto.

 

blank

 

Munaasibada daah-furka oo ka dhacday degmada Gar-adag waxaa ka qaybgaly Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Maareeyaha Wakaaladda Wadooyika, Masuuliyiin Xukuumadii hore xilal ka soo qabtay, Maamulka Degmada Aqoonyahan, Madax Dhaqmeed iyo marti sharaf kale.

 

blank

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka C/laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa:- “Gaadiidka halkaa joooga dhamaantii waxa iska leh dadweynaha Reer Somaliland, oo aad ka mid tihiin dadweynihiina Garadag, ilaahay ka sokow waxaa suuro galiyey guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Mr: Cali Baqdaadi, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa,”

 

blank

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Haddaan u soo noqdo socodkaga waa laba qodob, Horta waxaanu idiinku bushaaraynaynaa maanta in la bilaabaayo weji labaad, wajigii hore ee ka soo socday Ceel-Afweyn ee iminka ku soo dhaw meesha la yidhaa Fadhi-gaab wuu shaqaynayaa sidiisii hore ayuu u shaqaynayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda  SL waxa uu nagu amray ‘si wadadan dhakhso loo dhamaystiro, in la sameeyo weji labaad, wajigii labaad taladii injineerada markaanu la tashanay, waxay yidhaaden halka ugu munaasibsan ee wajiga labaad laga bilaabi karaa waa degmada Gar-adag.”

 

Guddoomiayah Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo isagu Baan ahaan sii maalgaliyey Qalabka cusub ayaa yidhi:- “Waxa weeye in aynu aragno Gaadiidkii iyo qalabkii  la soo iibiyey oo xageena danbe iyo xageena horeba teedsan, mahadaasna waxa iska leh Wasiirka oo isagu fikirka keenay in aanu maalgalino, anaguna waanu ka aqbalnay.”

 

blank

 

Maareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Cismaan Sh Cabdi Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in hawlaha wadadu u baahan tahay daryeel badan, waxaanu yidhi:-“wadadu waxay u baahan tahay tacab badan, waxay u baahan tahay dhaqaale badan, waxay u baahan tahay taxadir badan ilaahay waxaan ka baryayaa oo aad nuugu ducaysaan in uu xilkaa nagu asturo, oo aanu wadooyinkaa si fiican u dhisno.”

 

blank

 

Gabogabadii waxaa Iyana halkaasi ka hadlay Wasiiru Dawlihii hre ee Wasaaraddii Duulista, Badhasaabkii hore ee goboladda Maroodi-jeex iyo Awdal, Aqoonyahan ,Ganacsato, qaar ka mida Madax dhaqmeedka deegaanka iyo waxgarad kale oo dhamaantood soo dhaweeyay qorsheyaashan, waxaa xusid mudan, dhamaan Masuuliyiinta halkaasii ka hadashay waxay reer Gar-adag xasuusiyen macaanka iyo faa’iidooyinka ay leedahay Nabadu, waxaanay kula dardaarmeen in Nabada la ilaaliyo.

 

blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories