HomeWasaaradda Hawlaha Guud oo si rasmi ah u bilowday Bixinta Liisamada Darawallada...

Wasaaradda Hawlaha Guud oo si rasmi ah u bilowday Bixinta Liisamada Darawallada oo Casri ah iyo Shuruudo lagu Xidhay Qaadashadooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka, ayaa si rasmi ah u bilowday una soo bandhigtay bixinta Liisamada Darawallada Gaadiidka oo casri ah, kuwaas oo samayntooda ay hirgelisay shirkad ay wasaaraddu Qandaraas ku siisay.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta isla markaana ah sii-hayaha Wasaaraddaas Md Axmed Cabdi Xaabsade oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Xuseen X. Axmed Yuusuf (Qulumbe), ayaa shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa ay si rasmi ah u shaaciyeen bixinta liisamada Cusub ee Gaadiidleyda oo lagu beddeli doono kuwii ay hore u haysteen darawallada gaadiidka,.

Md Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu ka warramay dhibaatooyinka xirfad la’aanta darawallada gaadiidku ku hayso shacabka iyo hantidooda, waxaanu sheegay in dhibaatada ugu wayn ee dalka haysataa ay tahay shilka gaadiidka oo sababa dhimashada dad badan iyo khasaare ka soo gaadha xoolaha iyo hantida kale ee shacabka.

WASIIR XAABSADE“Waynu og-nahay oo dhibaatada wayn ee maanta dalka haysaa waa baabuurta, dagaalada sokeeye dadka ku dhimanayo ee Adduunka laga shegaayo waxa ka daran tan gudaheena ah ee Baabuurtu samayso. Ninka baabuurka wadaa waxa uu qaadayaa masuuliyad ah 20, 30 iyo ilaa 40 qof iyo wixii dhaqaale ahaa ee saarnaa gaadhiga iyo gaadhiga laftigiisa oo lacag badan ku yimi dalka. Markaa Ninka wadayaa waxa uu noqonayaa Nin aad iyo aad loo tobabaray oo masuuliyaddaa qaadi-karaaya,”ayuu yidhi Wasiirkii Hawlaha guud iyo guryeynta ee wali xilka wareejin Axmed Cabdi Xaabsade.

Md Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu sharraxaad ka bixiyey farqiga u dhexeeya shuruudihii lagu xidhi jiray Darawaliinta wakhtiyadii hore iyo isbeddelka xilligan ku yimi, waxaanu yidhi, “Anagu ilaa iyo wakhtigii Ingiriiskii ayaanu Ha’yadaha ka shaqayn jirnay, marka darawaliinta la noqonayo qofku Imtixaan fara badan ayuu mari jiray. Imtixaankaas waxa looga dan leeyahay inuu masuuliyad qaadi karo. Haddana waxa dhacda in marka Islaan walba ay gaadhi soo Iibsato inay mid dhegta soo qabato oo ay tidhaahdo kaxee waad wadi-kartaayee, dabadeed uu jar ka tuuro. Ilaa imika inta la hayo dadka dhintay waa kumanyaal ee waddada u dhaxaysa Laascaanood iyo ilaa Boorama.”

DSCF6914Wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday shuruudo lagu bixin doono liisamada darawallada gaadiidka, waxaanu yidhi, “Arrintani (khasaaraha shilalka gaadiidka) waa arrin aad iyo aad xasaasi uga ah dalka. Markaa waxaan go’aan sanay inaanu siin Liisankii. Qole kalena waxaanu siinaynaa tobabarkii. Darawalka marka la tobabarayo waxa laga rabaa gaadhiga mashiinka hoostiisa waxa ku yaala wax farabadan oo Saliida ayuu sheeyaa, Biyaha iyo Bareega.” “Waxaanu go’aan sanay in gaadhiga sannadkiiba mar la baadho ama lixdii bilood-ba oo la eegaa inuu gaadhiga yahay mid bad-qaba iyo inuu waddada marikaro iyo in kale. Kaasna waanu wadnaa oo waxaanu doonaynaa inaanu qolo siino oo baabuurtii la tijaabiyo oo la eego. Waxaad arkaysaa mid ilaa bireegii shaqaynayn oo aanu qabanayn, mid istoobadii ay baqtiisan yihiin oo aan shaqaynayn oo waxaas oo dhan waa waxa keenaya shilka. Markaa gaadiidku waa col aynu dugsanayno. Markaa waxaanu doonaynaa inaanu bixino Liisankii oo caalamiya oo meesha aad doonaysaba aad ku wadan-karto.”

SAWIRKA

Dhinaca kale Shacabka ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa dareenno kala duwan ku qaabbiley bixinta liisamada noocan ah, waxaana dadkii arrintan aanu wax ka weydiinay ka mid ahaa Cabdirisaaq Xuseen oo ah Qurbejoogta ka soo laabatay dalalka debedda, waxaanu yidhi, “Waxaan soo dhawaynayaa arrinkan Wasiirku ka hadlaayey ee ah in Liisanka lafta ah ee Somaliland lagu soo Beddelayo gaadiidkeeda. Runtii anaga qoladayada Qurba-jooga waa noo farxad sababtoo ah waxa aad arkaysaa Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa ama gabi ahaan-ba Somaliland in Rag aan masuul ahayn ay wadaan gawaadhida oo midigta iyo Bidixdaba ay ka galayaan waddadii ama ay kugu hor-goynayaan, markaasi waxa weeye aqoon la’aan ka haysata xagga waddooyinka. Haddii Liisanka la adkeeyo shilalka badan way yaranayaan;  haddii Dawladu sidii loogu talo galay ay uwaddo dhibtu way yaranaysaa.”

Abwaanka Weyn ee Hurre Ibraahim Warsame oo isagana warbaahintu wax ka waydiisay aragtidiisa ku aaddan liisamada cusub, waxa uu yidhi, “Waxaan aad ugu faraxsan nahay arrintan maanta la keenay, markaa Qurba-joogu malaha waxay xusuusan yihiin in ka dhimatay ee haddaanu nahay wayeelka waxa waa beryay-ba dusha nagasaaran qof magtisii oo gaadhi ku dhintay. Ma nasiib-darada meesha ka dhacday gaadhigii waxa ka xaynaaya mid Lugla, mid Indha la’a iyo mid dhago la’a-ba oo waxaanu aragtay mid labada gacmood-ba laaban yihiin oo gaadhi, waana mushkilad umadda haysata.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories