HomeWasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Badeecado Wakhtigoodu Dhacay ku soo bandhigtay Laascaanood

Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Badeecado Wakhtigoodu Dhacay ku soo bandhigtay Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Badeecado isugu jira noocyada kala duwan ee Cuntooyinka fudud, Sharaab iyo Caano dhammaantood waqtigoodu dhacay, ayaa lagu soo bandhigay xarunta Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ee magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

ALAABTA LA GUBAY (3)Xarunta Wasaaradda Ganacsiga ee magaalada Laascaanood ayaa lagu soo bandhigay alaabooyin badan oo laga soo ururiyey Suuqyada Ganacsiga ee degmadaas, kuwaasoo waqtigii loogu talo-galay in la isticmaalo dhaafay oo dhacay.

ALAABTA LA GUBAY (5)Alaabtaas oo isugu jirta Raashin, Sharaab, Buskud iyo alaabooyin kale, ayaa waxay ahaayeen kuwo lagu iibinayay Dukaamo ku yaalla magaalada Laascaanood sida uu sheegay Isu-duwanaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ee gobolka Sool Fu’aad Maxamed Cumar.

ALAABTA LA GUBAY (4)Fu’aad wuxuu sheegay in alaabooyinkani ay yihiin kuwo dhacay oo sun ah lagana iibinayay shacabka, iyadoo siyaabo badan la adeegsanayo, isagoo intaas ku daray inay weli jiraan qaar shaabbado lagu cusboonaysiinayo loo sameeyay.

ALAABTA LA GUBAY (2)Mas’uulkan ayaa ku hanjabey in shalay soo ururiyeen, balse ay mar labaad ciddii lagu arko ay tallaabo ka qaadi doonaan, taasoo la mid ah dhibaatada ay dadka shacabka ah u geysanayaan. Waxaanu xusay in Alaabooyinka ay qabteen qaarkood muddo sannado ah la soo dhaafay waqtigii isticmaalkooda oo ay dhawr sano dhacsanaayeen, halka ay dadka qaarkood sheegeen in waxyaabo shan sano dhacsanaa laga iibiyey.

ALAABTA LA GUBAY (1)Wasaaradda Caafimaadka gobolka Sool, ayaa dhawaan baahisay inay tallaabo tan oo kale ah ka qaadayso goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo dawooyinka dhacay, waxaanay sheegeen inaan la eegayn oo keliya dawada dhacday ee la eegi doono samayska dawooyinka.

ALAABTA LA GUBAY (6)Tallaabadan ayaa dadku u arkaan mid loo baahnaa in wax laga qabto dhibaatada xooggan ee ay Badeecadaha iyo dawooyinka dhacay iyo kuwa aan tayadoodu marka horeba wanaagsanayn ee ay Ganacsatadu sida naxariis-darrada ah uga iibinayaan Shacabkooda, oo aanay noloshooda iyo caafimaadkooda danaynayn, balse ay keliya ka fikirayaan sidii ay waxyaabaha noocaas ah lacag badan uga faa’iidi lahaayeen. Waxaanay dadweynaha qaarkood sheegeen inay ku faraxsan yihiin tallaabada ay Wasaaradda Ganacsigu qaadday, Wasaaradda Caafimaadkana ay sidaas oo kale ka rejaynayaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories