HomeWasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Go'aan Saamayn ku Yeelanaya Basaska Isaga kala...

Wasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Go’aan Saamayn ku Yeelanaya Basaska Isaga kala Goosha Gobollada dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa (SLpost)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland, ayaa soo saartay go’aan xaddidaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka basaska ee isaga kala goosha gobollada dalka, kaas oo si too ah u dhaqan-galaya horaanta bisha 1aad ee sannadkan.

blankAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Cumar C/laahi Aadan oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka Maxamed Cige oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in Wejigii koowaad ee hirgalinta barnaamijka gaadiidka loogu xidhayey qalabka xadiddaada xawaaraha  ee lagu bilaabay basaska rakaabka u kala qaada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uu ku egyahay 05 January 2020, waxaanay cadeeyen inaan wakhtigaas gaadhi rakaab sida oo aanu ku xidhnayn Qalabka Qadidaada Xawaarahaa (Speed Governor) ka gudbayn kaantaroolada.

Shirka  jaraaid oo ay si  wada jir ah, ugu qabten  xafiiska Agaasimaha Guud, ayaaa waxay Sidoo kale,   gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada u qabteen mudo  60 cisho gudaheed ah in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay adeegaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka hadlaaya arintaas ayaa yidhi: – “in 5 bisha January 2020 oo ay ka hadhsantahay mudo 6 casho ah in bas rakaab qaada oo aanu ku xidhnayn qalabka (Speed Governor) aanu ka gudbidoonin kaantarooladda Goboladda JSL, maadaama ay dhamaatay mudadii 90 casho ahayad ee Wasaaraddu u qoondaysay dhamaatay, basaska intii badnayd 90% ay ku xidheen.”

blankAgaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Sidoo kale waxaanu Iyagana halkan baaq uga diraynaa oo mudo 60 casho ah siinaynaa gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka, iyo gaadiidka qaadka qaada in ay iska soo xaadiriyaan goobaha ay wasaaradu ugu talo gashay in gaadiidka lagaga xidho qalabkaas.”

Ugu danbayntii Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Somaliland Maxamed Cige ayaa sheegay in ay amarkaasi fulindoonaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa:- “ waanu fulinaynaa amarkaas la soo saaray Xawaaraha oo intii badnayd ay iminka yaraatay sidii loogu talo galay intii lagu xidhay gaadiidka shirikadaha qalabkaa lagu xidhay way yaraatay.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories