HomeWasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Amar ku socda Shirkadaha gaadiidka Gobollada iyo...

Wasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Amar ku socda Shirkadaha gaadiidka Gobollada iyo Booyadaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa wargelin maanta ay soo saartay ku amartay shirkadaha Gaadiidka ee isaga kala goosha gobolladalka inay iska diiwaangeliyaan wasaaradda.

blank

Go’aanka ka soo baxay wasaaradda oo salka ku haya qorshe lagu xakamaynayo shilalka gaadiidka isla markaana lagula soconayo xawaaraha gaadiidku ku socdo, isla markaana uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa xambaarssan Shan qodob oo saldhig loo dhigay qorshaha bad-qabka iyo badbaadada gaadiidka.

 

Wargelinta ayaa u qornayd sidan:

 

Ku: Dhamaan Gaadiidleyda iyo Shirikadaha Gaadiidka Ee U Kala Goosha Gobolda Dalka JSL

Ku: Dhamaan Shirikadaha Gaadiidka Qaadka JSL

Ku: dhamaan Gaadiidka Booyadaha Biyaha JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL

Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafint iyo Wacyigalinta JSL

Og: Taliyaha Ciidanka Booliska JSL

 

Ujeeddowargelin

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku iyadoo fulinaysa Xeerka Wadamarista (Xeer L/r 56/2013) Qodobadiisa 75aad iyo 76aad oo qeexaya xadidaada xawaaraha ay ku soconayaan gaadiidku si looga hortago loona badbaadiyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay sababaan shilalka Gaadiidka .

Sida ku qeexan xeer nidaamiyaha dhismaha Wasaaraddaha & Hay’addaha xukuummadda L/r 01/2018 Qodobka 25aad, inay curiso xeerarka & siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada Gaadiidka badda ,cirka & dhulka oo nabdoon isla markaana ah mid laysku halayn karo

Sida ku cad Qodobka 57aad ee Xeer L/R 56/2013 oo qeexaya qaybaha kala duwan ee liisamada wadida Gaadiidka iyo noocyadooda.

Hadaba, Wasaaraddu si ay wax uga qabato kana hortagto khasaaraha Gaadiidka waxay keenaysaa qalabka Casriga ah oo loogu talo galay in lagu rakibo gaadiidka si loo xaddido xawaaraha gaadiidka (Vehicle Speed Governors).

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidku waxay soo saartay in la raaco shuruudahan hoos ku taxan:-

1)    In laga bilaabo taariikhda ay warqadani soo baxday ay waajib tahay in ay dhamaan mulkiilayaasha Shirkadaha Gaadiidku ay iska diwaangaliyaan Wasaaradda si loo hubiyo xaaladiisa badqab.

2)    In Wadayaasha Gaadiidka Shirkadaha rakaabka ay qaataan liisanka Dirawalnimo ee derejada (D), Halka wadayaasha Gaadiidka Qaadka looga baahan yahay inay qaataan liisanka derejada (C).

3)    In lagu bilaabo hawshan labada gobol ee kala ah M/Jeex iyo Togdheer, sidoo kale Gobolada kalena la gaadhsiin doono sida ugu dhakhsaha badan.

4)    Wargelintu waxa ay ku egtahay mudo 3bilood ah laga bilaabo taariikhda ay warqadani soo baxday.

5)    Cidii u hogaansami wayda awaamiirtan waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan

Alla Mahad Leh

C/laahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories