HomeWasaaradda Gaadiidka oo ka hadashay Eedo Musuq-maasuq oo Xisbiga Waddani ku dhaliilay...

Wasaaradda Gaadiidka oo ka hadashay Eedo Musuq-maasuq oo Xisbiga Waddani ku dhaliilay Wasiir Cabdilaahi Abokor

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa iska fogeysay eedaymo uga yimi Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo wasiirka wasaaraddaas ku dhaliilay inuu ku takri-falay awoodda xilka uu hayo isla markaana uga faa’idaysay danihiisa gaarka ah.

 

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan Xisbiga Waddani, ayaa wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor ku eedeeyey inaanu sifo sharci ah marinin tartan ay dhowr shirkadood u galeen Hubinta iyo Tayada Gaadiidka, tartankaas oo ay ku soo baxeen isla markaana ku guulaysteen laba shirkadood.

blank

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda waxa dhaliil maamul-xumo loogu jeediyey Cabdi Haybe xilligii uu ahaa Wasiirka Caafimaadka ee xukumaddii Daahir Rayaale.

 

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud waxa, uu u dhignaa sidan:-

“Dhawaan warbaahinta madaxbanaan waxaa soo gaadhay eedayn ka dhan ah Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo uga timid xubin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ee Waddani.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka waxa lagu aasaasay xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Xukuumadda L/r 01/2018 Qodobka 25aad,.

Hadaba, sida ku cad Qodobka 94 ee Dastuurka Somaliland, iyo sidoo kale Qodobada 21 iyo 22 ee xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukumadda iyo Hayaddaha Madaxa Bannaan Xeer L/r 71/2015 ayaa qeexay xilka, waajibaadka awooddaha wasiirka.

Sidaas darteed, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku ma isticmaalin awood ka baxsan Dastuurka iyo xeerarka Dalka.

Waxaa xusid-mudan, in Cabdi Haybe oo ah masuulka eedaynta soo jeediyay  ku sifaysan yahay shakhsi awoodiisii wasiirnimo ee Wasaaradda Caafimaadka ku qabsaday MCH Tuuladda Gumar wakhtigu ahaa wasiirka caafimaad, ilaa maantana deegaanka tuuladda Gumar khilaaf u dhaxeeyo.

Sida uu waajibiyay Xeerka Waddo-marista Gaadiidka Xeer L/r 56/2013 Qodobadiisa 47, 37, 38, 84, iyo 81 oo waajibinaaya Baadhista Gaadiid  iyo Q76 Xawaaraha Gaadiidka.

Xubintaas, waxaa iskaga qasmay xulashada geerashyada (Workshops) iyo Ruqsad-siinta Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka. Guddiga Qandaraasyadda Qaranka JSL ayaa soo xulay shirkaddaha fulinaya Baadhista tayadda gaadiidka laakiin wasaaraddu waxay siinaysaa ruqsad, 7 workshop ayaa la siinaya  ruqsadda, Cid u wasiirku kula shuraakoobayna ma jirto. ‘Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolof ka dhacday’.

Odaygu hadii uu hayo caddaymo ku filan ha u soo bandhigo shacabka, hadii kale waa lagula xisaabtimi.”

Sida ku cad Xeerka Wada marista Xeer L/r 56/2013 Q4 farqadiisa 1aad xaraf (x), Golayaasha Deegaanka ayaa awood sharci u leh Ganaaxa Gaadiidka wadooyinka magaalooyinka, sidoo kale Q4 Farqadiisa 3aad xaraf (KH), Wasaaradda Gaadiidka ayaa awood sharci u leh Ganaaxa Gaadiidka wadooyinka ka baxsan Magaalooyinka ,

Xubintaas, waxaa ka muuqata aqoon-daro sharci iyo maamul  iyo Mucaaridnimo cilmi iyo caqli midna aan  ku dhisnayn.

Sidaas-darteed ma joogno Somaliland British protectorate ee waxaa fiican in aad aqoon fiican u yeelato shuruucda Dalkaaga . 

 

Ismail Ali Ahmed

Madaxa xafiiska Warbaahinta W.G.& Hor.Jidadka

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories