HomeWasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo tafaasiil ka bixisay Diyaarad maanta Caga-dhigay Madaarka...

Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo tafaasiil ka bixisay Diyaarad maanta Caga-dhigay Madaarka Laascaanood oo muddo Xidhnaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost) Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Diyaarad sidday alaabo ganacsi oo maanta fadhiisatay Madaarka magaalada  Laascaanood oo in muddo ah aan shaqaynin.

Saddam Mohamed2War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Duulista Hawada, ayaa tafaasiil lagaga bixiyey diyaaradda soo fadhiisatay madaarka Laascaanood, waxaanu u dhignaa sidan: “ Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka  Jamhuuriyada Somaliland waxa ay shaacinaysaa in maanta Madaarka Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ay caga dhigatay diyaarad siday Alaabo ganacsi.

Madaarka Laascaanood oo aanay wax Diyaarad ahi adeegsan mudo dheer, sababo la xidhiidha isaga oo aan mudo waxa dayac tir ah lagu samayn, ayey Wasaaradda Duulistu dhawaan dayac tir ku samaysay Madaarka iyada oo la kaashanaysa Ganacsade deegaanka ah, arintaasi oo suuro galisay inay maanta Madaarka Laascaanood caga dhigato  diyaarad ay leedahay shirkadda Sky ward Airlines.

Diyaaradan oo ka timid dalka Kenya oo ah nooca loo yaqaan (Fokker 50), ayaa siday Qaad dhan 6 tan (Lix Tan), waxana sida qorshuhu yahay ay Todobaadkii Madaarka imdan doonta muddo laba cisho ah.

Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka  ayaa mudo waday dib habayn lagu sameynaysay  garoomada diyaaraddaha ee dalka, iyada oo ujeedadeedu tahay in la xoojiyo is ku xidhnaanta dalka, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaaalha Somaliland.

Duulimaadyada  ka bilaabmay Madaarka Laascaanood ayaa waxa uu fure u noqon doonaa kor u qaadista ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Sool oo Xukuumadda Somaliland ay horumarintiisa  mudnaan gaar ah siinayso.”

ALLA MAHAD LEH.

Sadaam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista JSL.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories