HomeWasaaradda Duulista Hawada oo Soo Bandhitay Adeegyo lagu Kobcinayo Horumarinta Ammaanka Madaarrada...

Wasaaradda Duulista Hawada oo Soo Bandhitay Adeegyo lagu Kobcinayo Horumarinta Ammaanka Madaarrada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa xalay lagu qabtay Munaasibad balaadhan oo waaxda ammaanka ee Madaarada Somaliland ku soo bandhigeen waxqabadka iyo guulaha ay ka gaadheen ammaanka Madaarada dalka, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay dhukumantari ka hadlaya qalabka lagu baadho dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya Madaarada dalka.

Munasibadda oo ay qayb ka ahayd casho sharaf lagu maamusay dadkii ka qayb-galay ayaa waxa Madaxa shaqaalaha Ammaanka ee madaarada Somaliland Mustafe Cabdi Xuseen (Mustafe Cabdi Dheere) ku soo bandhigay horumarka Madaarada dalka, gaar ahaan Madaarada Hargeysa iyo ka Berbera laga sameeyay saddexdii sanadood ee u dambeeyay, iyada oo sidoo kalena isbarbar dhigay uu ku sameeyay sidii uu ahaa Madaarka Hargeysa saddex sanadood ka hor.

Ina Cabdi DheereMustafe Cabdi Dheere, oo ugu horeyn arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Run ahaantii saddex sanadood ka hor ammaanka Madaarada Somaliland waxa uu marayey meel aad u hooseysa, diyaaradaha isaga goosha Somaliland iyo Mandaqaduna dhibaato ayay ku qabeen, waxa kale oo dhibaato ku qabay dadka Madaarada Somaliland ka dhoofa, waxa iyaguna nidaamkaasi qadiimka ah dhibaato kala kulmi jiray shaqaalaha ka hawl-gala Madaarada dalka”

Madaxa Shaqaalaha Amniga Madaarada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “adduunku imika wuxuu culayska saaray in la hagaajiyo nidaamka amni ee Madaarada dalalka horumaray iyo dalalka Mandaqada Geeska Afrikaba, waxaanu halkan ka caddeynaynaa in Somaliland ka horumartay ama u dheeli tirtay ammaanka Madaarada Somaliland, kana hirgalisay nidaam ammaan oo la jaanqaadaya heerka ICAO ee caalamiga ah, isla-markaana horumar badan oo la taaban karo laga gaadhay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Taasina waxay innagu soo xidhay diyaarado aan hore Somaliland ugu soo dhiiranin inay yimaadaan, sida diyaaradda Itoobiya, Al-carabiya iyo Kenya Airways oo bilaabi doonta duulimaadyadeeda Somaliland”

Mustafe Cabdi Dheere, oo isbarbar dhigaya hanaankii hore ammaanka Madaarada loo ilaalin jiray iyo wax la bedalka lagu sameeyay ayaa yidhi “barigii hore waxa wax loo baadhi jiray nidaam (Manual ah), nidaamkaasina muu ahayn mid diyaaraduhu kalsooni ku qabaan, waxa saldhig u ahaa Jabuuti oo dhoofayaasha Somaliland diyaaraduhu ka qaadaan mar kale loogu baadhi jiray, laakiin taa maanta hrumar badan ayaa laga gaadhay oo maanta ammaanka madaarada Somaliland waxa uu marayaa halkii ugu sareysay, waxaana la isticmaalaa qalabkii ugu dambeeyay ee adduunka laga isticmaalo”

DDMunaasibaddan oo sidoo kale ay ka hadleen xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin uu Guddoomiyaha SONYO ka mid yahay ayaa waxa soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu amaanay dedaalka dhalinyarada ka hawl-gasha waaxda ammaanka ee Madaarada Somaliland, isaga oo tilmaamay in Wasaaradda duulistu horumar balaadhan ka samaynay arrimaha ammaanka la xidhiidha, isaga oo tilmaamay in shaqaalaha ka hawlgala madaarada Somaliland ay qaateen tababar aad u heer sareeya “Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay hore noogu qabatay lix bilood inay joojin doonto diyaaradaha Somaliland ka taga, haddii aan la helin qalab lagu soo baadho dadka iyo shandadaha, taasina waxay kalsooni galisay adduunka aynu Macaamilo (Qalabka ammaanka ee Madaarada la dhigay)”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Tababar qiimo leh ayaa la siiyay shaqaalaha ammaanka, waxaanan u mahad-naqayaa dawladda Ingiriiska oo tababarka siiyay dhalinyarada, waxaana lagu tababaray heerka shaqaalaha ammaanka ee Madaarada Ingiriiska, dhalinyaradan waxa la geeyay Magaalada Addis-ababa si ay tababar dheeraad ah uga helaan, laakiin waxyaabihii cajiibka ahaa ee lanoo sheegay waxa ka mid ahaa in dhalinyaradeenu ka tababar fiicnaayeen kuwii ay halkaa ku kulmeen.”

WASAARADDA DUULISTA HAWADA

XAFIISKA WARBAAHINTA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories