HomeWasaaradda Duulista Hawada oo Qaybo ka tirsan Maamulka iyo Dakhli-ururinta Madaarka Hargeysa...

Wasaaradda Duulista Hawada oo Qaybo ka tirsan Maamulka iyo Dakhli-ururinta Madaarka Hargeysa Si Qarsoodi ah ugu Gacan-gelisay Shirkad Gaar ah iyo Tuhunnada ka Dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland, ayaa shirkad gaar loo leeyahay ku wareejisay maamulista lacag laga qaado Gaadiidka Shacabka ee booqanaya ama la socda Rakaabka ka soo dega iyo kuwa ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeya.

Gaadiidka la socda ama soo dhawaynaya rakaabka ka dhoofa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa laga qaadaa 1 Dollar oo loogu ogollaado Barking-ka baabuurta la dhigto, waxaanay lacagtaas lagu qaadaa Xafiis ay leedahay wasaaradda Duulistu oo ku yaala kedinka laga galo madaarka, waxaana lacagta ka soo xeroota lagu daboolaa kharashaadka taliska iyo Askarta ka hawl-gasha Saldhigga booliska Madaarka, sida uu noo xaqiijiyey masuul sare oo ka tirsan wasaaradda duulista iyo Hawada Somaliland.

madaraShirkadda lagu wareejinayo maamulka lacagtaas oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo wasaaraddu si qarsoodi ah heshiiska ula gashay isla markaana qandaraaska ay heshiiska ku gashay aan bulshada loo bandhigin, ayaa la sheegay madaarka fulisay adeegyo lagula soconayo ammaanka madaarka isla markaana ay suurto-galisay inay madaarka ku rakibto kamarado lagula soconayo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka galaya iyo kuwa ka baxaya madaarka, sida ay Himilo u xaqiijiyeen ilo-wareedyo si dhow ula socda heshiiska wasaaraddu la gashay shirkadda oo Qalabka dhinaca Ammaanka ah ee madaarka lagu rakibay lacag badani ku baxday beddelkooda loogu sad-burinayo la wareegista maamulka lacagtaas.

Ilo-wareedyadu waxa ay intaas ku dareen inay shirkaddani dhowaan si rasmi ah u guda-geli doonto hawlaheeda, wasaaradda Duulista-na kala wareegi doonto lacagta Halka Dollar ah ee dadka lagaga Kireeyo Parking-ka gudaha Madaarka. Warku waxa uu intaas ku daray inay shirkaddu qaadan doonto boqolkiiba 70 lacagta ka soo xereeto Kirada Madaarka halka boqolkiiba 30-ka kale ay qaadan doonaan Askarta ka hawl-gasha Madaarka oo hawlihiisa farsamo si toos ah u hoos-tago wasaaraddu Duulista Hawada, marka laga yimaaddo maamulka ku magacaaban socodsiinta hawl-maalmeedka madaarka.

Gaadiidka Dawladda, kuwa hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa ay wataan Madax-dhaqameedka, ayaan haba-yaraatee laga qaadin lacagtaas, waxaanay laga qaadaa oo kaliya gaadiidka ay wataan dadka shacabka ahi.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhowaan xadhigga ka jaray mashaariic wasaaradda Duulista Hawada ka fulisay Madaarka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-casriyeyn iyo ballaadhin lagu sameeyey goobo loogu talo-galay in ay dadku dhigtaan gaadiidkooda Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland.

Dhinaca kale, Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland oo aanu dhinacooda wax ka weydiinnay arrintan, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyay jiritaanka heshiiska ay la galeen shirkadda isla markaana uu uu socdo qorshe qabyo ah oo ku saabsan heshiiska shirkadda, haseyeeshee waxa ay Wasaaraddu ka gaabsatay xog faahfaahsan oo la xidhiidha adeegyada ay shirkaddu ka qaban doonto madaarka, magaceeda, sababaha kallifay in lagu wareejiyo maamulka lacagta iyo sharciyadda loogu ogolaaday in si qarsoodi ah gacanta loogu geliyo qaybo ka mid ah maamulka madaarka maadaama ay tahay shirkad gaar loo leeyahay.

Saddam Mohamed“Wakhtigan wax diyaar ah oo aanu kaga hadlaynaa ma jirto, waana hawl-qabyo ah oo immika socota, laakiin mar baanu si rasmiya u soo bandhigi doonaa macluumaadkas oo aanu warbaabinta u faahfaahin doonaa haddii Illaahay yidhaahdo,” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Saddam Maxamed Axmed oo xalay Wargeyska Himilo khadka telefonka wax kaga weydiiyey jiritaanka Arrintan.

Tallaabada Wasaaraddu Duulistu heshiiska qarsoodiga ah ee aanay qandaraaskiisa shaacin kula gashay Shirkadda gaarka loo leeyahay oo loo gacan-geliyey qaybo ka mid ah maamulka iyo ammaanka Madaarka, Maaha mid ay wasaaraddu kali ku tahay, haseyeeshee waxa jira hay’ado iyo wasaarado kale oo masuuliyadda iyo hawlaha xaasaasiga ah ee ay qaranku u hayaan ku wareejiyey shirkado gaar loo leeyahay, waxaana ka mid wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland oo shaqadii ay Qaranka u haysay oo ay ka mid yihiin Samaynta iyo Bixinta Lumberrada Taarikada Gaadiidka iyo Liisamada la siiyo darawallada oo labadooda ay gacanta ku hayaan shirkado iyo shakhsiyaad gaar ah, arrintaas oo u muuqata masuuliyad darro wasaaraddu ay adeegyo xaasaasi ku ah ammaanka dalka oo ay u gacan-gelisay cid gaar ah.

XIGASHO: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories