HomeWasaaradda Duulista Hawada oo ka hadashay Shaqaale Madaarka Hargesa looga eryey soo-dhawayntii...

Wasaaradda Duulista Hawada oo ka hadashay Shaqaale Madaarka Hargesa looga eryey soo-dhawayntii Weftiga WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland, ayaa qirtay inay laba ka mid ah shaqaalaha madaarka Hargeysa shaqada uga caydhiyeen soo-dhawayntii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo wefti uu hoggaaminayo oo todobaadkii hore ka soo degay Madaarka Egal International Airport.

Warar lagu daabacay warbaahinta qaarkeed ayaa lagu sheegay in caydhinta shaqaalahaas ay sabab u ahayd kaddib markii ay ka qayb-qaateen soo-dhawaynta weftiga xisbiga WADDANI, waxaanay wasaaraddu qirtay jiritaanka warkaas waxase ay ku sababaysay kaddib markii ay shaqadooda u dayaceen soo-dhawaynta weftiga Xisbiga Waddani.

Madaarka HargeysaWar-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada, Ismail Ali Ahmed, ayaa lagu sheegay in labada shaqaalaha ahi ay jabiyeen shuruuc u dejisan hawl-wadeennada hay’adaha dowladda, gaar ahaan Madaarka Caasimadda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay sidan:- “Waxaan halkan kaga jawaabaynaa warar been abuur ah oo ay baahiyeen warbaahinta  qaarkeed, kaas oo ku saabsanaa in laba shaqaale ah oo ka tirsan shaqaalaha madaarka hargeisa shaqada laga joojiyay  ka dib marki ay salaameen gudoomiyaha golaha wakiilada ahna musharaxa xisbiga wadani.

Waxaan halkan uga cadaynaynaa guud ahaan shacbi waynaha JSL iyo cid walba oo ay khusayso, in labadaas shaqaalaha ah ee shaqada looga joojiyay ay ka tirsan yihiin waaxda amniga ee madaarka caasimada, waxaana shaqada looga joojiyay ka dib markii ay ku kaceen dayacaad shaqo, iyaga oo soo cidleeyay shaqadii ay qaranka u hayeen ee ahayd baadhista dadka iyo rakaabka madaarka ka dhoofaya wakhti shaqadii socoto, iyaga oo ka qayb galay soo dhawaynta Waftiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada  ahna musharaxa xisbiga wadani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilahi ciro.

Arintaasina waxay ka hor imanaysaa xeer hoosaadka anshaxa shaqaalaha madaarka caasimada, cid kasta oo ku kacda hawl aan loo dirana waxa la marinayaa hab anshaxa u yaala shaqaalaha madaarka.

Maadama lagu jiro wakhtigii xagaaga isla markaana madaarka caasimadu uu mashquul ku yahay adeeg u fidinta rakaabka soo dagaya ama dhoofaya, dhamaan shaqaalaha madaarka waxa laga rabaa inay u gutaan waajibaadkooda shaqo sidii loogu talo galay, iyada oo shaqaalaha ay ka mamnuuc tahay inay ka baxaan goobta shaqada wakhtiga ay shaqada ku jiraan ama ay tagaan goob kale oo ayna shaqo ku lahayn, iyada oo mar walba lagu adkaynayo lagana rabo  inay ku sugnaadaan goobta shaqada.

Soo dhawaynta wufuuda dalka iyo kuwa caalamka, waxa madaarka u qaabilsan shaqaale gaar ah oo lagu carbiyay hawshaas inay qabtaan, sidaas darteed shaqaale waynaha kale ee madaarka looma ogola inay ku mashquulaan soo dhawayn maadaama laga rabo inay ku sugnaadaan goobtooda shaqada wakhitaga ay shaqada ku jiraan.

Madaarka caasimadu waa madaar caalami ah oo ay ka hawl galaan diyaarado caalami ah , iyo iyo Maxali ah ba sidaas darteed wuxu adeeg isku mid ah u fidiyaa dhamaan dadwaynaha JSL mucaarid iyo muxaafidba, iyada oo cid walba la siiyo maamuuska ay mudan tahay iyadoo maanka lagu hayo duruufaha amni ee mandaqada ka jira.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories