HomeWasaaradda Duulista Hawada oo faahfaahiyey Lacag Shan Milyan oo Dollar ah oo...

Wasaaradda Duulista Hawada oo faahfaahiyey Lacag Shan Milyan oo Dollar ah oo Dowladda Kuwait ugu Deeqday Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda  Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa shaacisay in dawladda Kuwait ay ugu deeqday Somaliland si loogu balaadhiyo casriyaynta madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa.

Sidaasna waxa lagu shaaciyay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka wasaaradda duulista hawadda  iyo gaadiidka cirka Md. Saddaam Maxamed Axmed, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland waxay halkan ku soo gudbinaysaa faahfaahin la xidhiidha Mashruuca cusub oo dawaladda Kuwait inoogu deeqday.

Maxamuud Xaashi_Kuwait (2)Ka dib markii uu guulaystay mashruucii hore ee 10 milyan ee doolar ka koobnaa ee dawladda Kuwait inagu caawisay, lacagtaas oo ku kala baxday mashaariic laga fuliyey madaaradda Hageysa iyo Berbera.

Lacagtaas oo 4. 400 000 $ (Afar milyan iyo afarboqol oo kun) oo dallar, ay ku baxday dib u dhiska iyo adkaynta runwaygii hore ee Madaarka Cigaal, iyo Samaynta xayndaab silig ah oo ka kooban 7.5 KM (Todoba Kiiloomitir iyo badh).

Dhinaca kalena madaarka Berbera-na ay ku baxday lacag dhan 4. 500 000 $ (Afar milyan iyo shan boqol oo kun) oo doolar oo lagu fuliyey dhismaha Terminal weyn oo casriya kaas oo wali socda iyo xayndaab silg ah oo ka kooban 11 KM, oo dhamaaday. Lacagta hadhay oo baaqiga ah oo dhan 1 100 000 $ (Milyan iyo boqol kun) ayaa waxa ay dawlada Kuwait siisay khuburada mashruuca gacanta ku haysa ee iyaga ka wakiil ah, (Consultant Engineers).

Madaaradeena waaweyni waxay u baahan yihiin maalgalin intaas ka badan, si ay ula tartamaan kuwa dhigooda ah, sidaa darteed waxay Wasaaradda Duulistu dadaal weyn u gashay inay deeqo u raadiso baahiyaha iyo qabyada kale ee jira.

Dawladda Kuwait oo aad ugu faraxday sidii loo meel mariyey loona maamulay mashaariicdaa ay bixiyeen ayaa mar labaad aqbashay inay ina siiso deeq dheeraad ah oo dhan Shan milyan oo doolar, taas oo Wasiirka duulistu uu dhawaan soo saxeexay sida aad sawiradaas ku aragtaan.

Maxamuud Xaashi_Kuwait (1)Lacagtan waxa loogu tallo galay in lagu kordhiyo dhabada dayuuradaha madaarka caasimada ee Cigaal International Airport, oo u baahan in lagu daro qayb cusub oo sagxada lagu soo bilaabayo, taas oo dhararkeedu dhan yahay 1200 Miter ilaa 1400 Miter iyo baarkinka diyaarahaha (Apron) oo lagu darayo 100×50 Miter, iyo sidoo kalena Sholderska runwayga.

Si dhakhso loogu bilaabo mashruucan cusub oo wax weyn ku soo kordhin doona Madaaradeena waxa ay Wasaaraddu go;aansatay in tartan loo galo, waxa lagu casuumay dhamaan shirkadihii ka qayb galay tartankii hore, sida AKIR oo fadhigeedu yahay Jigjiga. Teklebarham Ambaye (Adisababa). Alliance (Djibouti). Star FU (Djibouti). China Hono Group (Hargeysa). Iyo Amal JV (Hargeysa)

Dhamaan shirkadahan ayaa 20/12/2013 waxa la gudoon siiyey dukumantigii qandaraaska ama ay bidhka ugu baahnaayeen, waxanan la furi doonaa qadaraaska 04/01/2014-ka haddii ALLE idmo.

Hawshan waxa si wada jir ah u maamulaya khuburo dawlada Kuwait ka wakiil ah, Guddia qandaraasaadka Qaranka, iyo Wasaaradaha Duulista iyo Hawalaha guud ee Somaliland.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories