HomeWasaaradda Diinta/Aw-qaafka iyo Guddiga Wanaag-farista oo isla Qaatay Qodobbo khuseeya Hawlaha ay...

Wasaaradda Diinta/Aw-qaafka iyo Guddiga Wanaag-farista oo isla Qaatay Qodobbo khuseeya Hawlaha ay iska kaashadaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland iyo Gudida Wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa maanta wada gaadhay heshiis todoba qodob ka kooban oo taabanaya hanaanka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Culimada guddiga Wanaagfarista.

Heshiiskan oo khuseeya sidii labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen wanaaga dalka, diin, iyo dadkeena ayaa nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Somalilandpost, ayaa u dhignaa sidan:-

• In si wada jir ah loo dardar geliyo hawsha wanaag farista iyo xumaan reebista.

• In xumaha soo kordhaya wax laga qabto iyadoo la kaashanayo wasaaradda arimaha gudaha.

• In la dhiirrigeliyo sidii kharashka guurka ku baxa hoos loogu dhigi lahaa, dhalinyaradana loogu fududayn lahaa guurka.

• In aflagaadada diinteena suubban cidii lagu helo xadhig aan cafis lahayn lala tiigsado.

• in cabashooyinka bulshada ee dhaqan xumada ku saabsan wax laga qabto isla markaana warbaahinta dalka laga joojiyo wixii dhaqan xumo faafinayo.

• in bishiiba mar si joogto ah labada dhinac shir uga wada yeesheen waxii u qabsoomay iyo waxii qabyo ah.

• In kaalin wax ku ool ah laga qaato hawlaha nabadaynta iyo Islaaxa umadda.

Dhinaca kalena gudoomiye ku xigeenka gudida wanaag farista cawil Xuseen cali ayaa ka hadlay booqasho ay maanta ku tageen xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa waxana uu sheegay inuu socdaalkooda xabsigu ku wajahnaa sidii ay u wacdiyi gelin lahaayeen maxaabiista xabsiga ku jirta, isla markaana ay si gaar ah u booqdeen maxaabiistii ay gudi ahaan soo xidheen ee lagu helay aflagaado diinteena suubban. waxana uu tibaaxay inay sii wadayaan booqashooyinka noocan oo kale ah si maxaabiista loola socodo hab nololeedkooda guud iyo Xuquuqadka ay leeyihiin.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories