HomeWasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Imtixaan ka qaadaysa Culimada Cilaajyada Dalka

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Imtixaan ka qaadaysa Culimada Cilaajyada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Markaannu hubinno Wadaaddada aqoontooda Diineed, waxaannu wasaaradda caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya..” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay imtixaan ka qaadaysa Calaajyada ka hawlgala guud ahaan dalka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa kuwa ku yaalla oo wejiga koowaad noqon doona, si loo hubiyo goobaha aqoon diineed ahaan iyo tayo ahaanba ku habboon in dad lagu dabiibo iyo kuwa aan u qalmin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub oo Loo hirgeliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Masuuliyiinta wasaaradda oo dhawaanahan ku mashquulsanaa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo horumarinta adeegyada diineed ee ay Somaliland u hayaan, ayaa dhawaan bilaabaya in imtixaan laga qaado Wadaaddada ka hawlgala goobaha dabiibka diiniga ah ee Cilaajyada, kuwaas oo la hubin doono aqoontooda diimeed, si loo helo cilaajyo la sugay tayada dadka haysta.

Wasaaradda diintu imtixaanka ka dib waxay wada-jir uga shaqayn doonaan wasaaradda horumarinta caafimaadka tayada goobaha cilaajyada adeegyada caafimaad ee kale ku dara dabiibkooda diiniga ah, maaddaama nolosha dad caafimaad-doon ah lagu aamminayo, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaraddu.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay ujeedka arrintan imtixaanka loo samaynayo iyo tallaabada xigi doonta, waxaanu qoraal kooban ku yidhi; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay imtixaan ka qaadi doontaa, isla markaana hubin doontaa aqoontooda Diineed wadaaddada Cilaajyada ka shaqaysta.”

“Arrintaas waxa lagu go’aamiyey shir ay Masuuliyiinta wasaaraddu maanta u qabatay madaxda cilaajyada magaalada Hargeysa. Sidoo kale, marka aannu hubinno aqoontooda Diineed waxaannu wasaaradda horumarinta caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya ee cilaajyadu qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu.

Kulanka go’aankaas la iskula qaatay, ayaa daba-socday kulammo hore eeoo madaxda wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland la yeesheen qaar ka tirsan culimada madaxda ka ah cilaajyada hargeysa oo sidan oo kale arrintan loogala hadlay, waxaana cilaajyada oo marba marka ka dambaysa sii badanaya la aqoonsan doonaa inta shuruudaha xukuumaddu uga baahantay buuxiya.

Tallaabada imtixaanka lagaga qaadayo cilaajyada, waxa ka horreeyey oo ay wasaaraddu bilawday 24-ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka diiwaangelinta maddarasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu dhigo iyo jimciyadaha ay ku midoobeen maddarasadaha qaarkood.

Diiwaangelintaas oo aad loo soo dhaweeyey, ayaa noqotay markii koowaad ee intii ay Somaliland jirtay wasaaraddu ku dhiirrato ama fuliso, iyada oo hadda la diiwaangeliyey illaa saddex boqol oo maddarasadood oo Hargeysa ku yaalla, welina ay socoto diiwaangelinta, oo wejiga labaadna u gudbi doonta gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Imtixaanka ay wasaaraddu ka qaadayso wadaaddada cilaajyada, ayaa iyaduna ah mid muhiimaddeeda leh.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories