HomeWasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Abaal-marinno ku Maamuustay Shaqaalihii ugu Shaqada...

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Abaal-marinno ku Maamuustay Shaqaalihii ugu Shaqada Fiicnaa Sannadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Shahaadooyin iyo Abaal-marin guddoonsiiyey Tobankii Qof ee Shaqaalaha Wasaaradda ugu Shaqada fiicnaa sannadkan dhammaanaya ee 2019-ka iyo Xubno Shaqaalaha ka tirsan oo Tabobbar muddo u socday dhammaystay.

blankMunaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Magaalada Hargeysa ee Shaqaalahan lagu abaal-marinayey Ka sokow Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaaradaha Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dowaldda, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Culimo, Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horreyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa faahfaahiyey marxaladaha kala duwan ee ay Wasaaraddu soo martay iyo abaal-marinta Shaqaalaha. Waxaanu sheegay in labada Sano ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka hayey in wax badani u qabsoomay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ha ugu horreyso diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah iyo Macallimiinta dhiga, samaynta Manhajka Maddaarista, tayaynta iyo tabobbarista Shaqaalaha, xoojinta wacyigelinta Diiniga ah, Isku-xidhka Culimada Dalka iyo qodobbo kale.

Agaasime Aadan waxa uu sheegay in Shaqaalaha la qiimeeyey tobankii ugu sarreeyey ay u garteen inay abaal-marin iyo dhiirrigelin u sameeyaan, halka isla Xafladdan Shahaadooyin lagu guddoonsiinayo Shaqaale tabobbar dhinaca Xisaabaadka ah muddo bil ah baranayey.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Liibaan Ismaaciil Buraale iy Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay sheegeen muhiimadda ay shaqada qaranka iyo maamul-wanaagga u leedahay dhiirrigelinta Shaqaaluhu.

blankSidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Cabdillaahi Albaani, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay. Iyaga oo Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku ammaanay isku haynta culimada iyo dedaalka hufan ee ay ku horumarinayaan Wasaaradda oo ay ku tilmaameen mid muhiimad weyn u leh Dalka, Dadka iyo Diinta Islaamka ee ay Qaranka Somaliland Masuulka uga tahay.

Sidoo kale Macallinta muddada bisha ah tabobbarka u wada shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta Eng. Axmed Qaalib Ismaaciil, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu ammaanay dedaalka iyo xil-kasnimada ay shaqaaluhu joogteeyeen inta ay waxbarashada ku jireen, isagoo ku teliyey in waxbarasho intaa ka sii sarraysana lagu aammini karo shaqaalaha uu tabobbaray, marka loo eego tayadooda, doonistooda iyo dedaalkooda-ba.

Wasiirrada Wasaaradaha Dastuurka iyo Xidhiihdka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Maxamed Mire, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyey tallaabada ay Madaxda Wasaaradda Diintu ku dhiirrigelinayaan Shaqaalaha.

Agaasimaha Waaxda Masaajidda iyo Maddarashada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sacda Axmed Cabdi, ayaa iyaguna hadallo ay ugu mahad-celiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda halkaas ka jeediyey.

blankWasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Guddi qiimaysa ay u saareen Shaqaalaha, guddigaas oo si hufan u qiimeeyey, kana soo saaray tobonkii qof ee ay u arkeen inay ugu shaqo wacnaayeen ama dedaal badnaayeen sannadka dhammaanaya ee 2019-ka, waxaanu ugu hambaleyeeyey dedaalkooda iyo shaqo-wanaaggooda.

Gebo-gabadii waxay Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale, Abaal-marinta ay mutaysteen iyo Shahaadooyin halkaas si wada-jir ah ugu guddoonsiiyeen Shaqaalaha ugu shaqada fiicnaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sannadkan sii galbanaya ee 2019-ka iyo Shaqaalaha Tabobbarka Muddada Bisha ah u socday dhammaystay, sidoo kale, waxa isna Shahaado Sharaf la guddoonsiiyeyoo iyagana halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey.

Iyaguna Geestooda Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, gaar ahaan Hablaha, ayaa Shahaado-sharafyo ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Awqaafta iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ay ku tilmaameen inay si guud uga shaqeeyeen horumarinta iyo cadaalad ku maamulka guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan Haweenka oo ay xuseen inay door fiican oo muuqda siiyeen.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories