HomeWasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Wejiga 2-aad ee Diiwaangelinta Maddarasadaha Ka Daah-furtay...

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Wejiga 2-aad ee Diiwaangelinta Maddarasadaha Ka Daah-furtay Xarunta Saaxil ee Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta magaalada Berbera ka daah-furtay wejiga 2-aad ee diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah ee gobolka Saaxil, ka dib markii la dhammaystiray gobolka Maroodi-jeex badhtamaha bishii Maarso 2019-ka.

diinta iyo awqaafta diiwaangleinta madarasaha berbera

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdla, Guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, Isu-duwaha wasaaradda ee gobolka Saaxil, Culimada iyo Maamulayaasha Maddaariska magaalada Berbera, ayaa ka qaybgalay munaasibadda diiwaangelinta oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ee Berbera.

 

Waxa uu Agaasime Aadan sheegay inay arrintan wasaaraddu uga dan leedahay in la sugo tayada iyo tirada Maddarasadaha Diiniga ah, maaddaama oo ay barashada diintu waajib innagu tahay, loona baahan yahay in sida ugu habboon uguna fiican carruurta iyo da’yarta kaleba loo baro Qur’aanka iyo culuumta kale ee Diiniga ah.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Diiwaangelinta madarasadaha berbera (1)

“Waad ogtihiin diiwaangelintu maddarasaduhu muhiimadda ay u leedahay guud ahaan Qur’aanka barashadiisa iyo tayayntiisa, tabobbarka macallimiintaba. Waxaannu doonaynaa marka maddarasad kasta la diiwaangeliyo, goobtay ku taallo, macallimiinta dhigta, inay waqaf tahay maddarasaddu iyo inay mid gaar ah tahay, dhammaan in xogtaas la keydiyo, waxaannu soo bandhigi doonnaa oo qaybin doonnaa manhajka aannu ugu talogalnay maddarasadaha diiniga ah , kaas oo noqon doona manhaj dhammaystiran oo lagu kabayo ardayda qur’aanka barata,” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi, waxaanu intaas ku ladhay; “Berbera waxa xigi doona oo diiwaangelinta Maddarasaduhu ka bilaabmi doontaa afarta bishan xarunta gobolka Togdheer ee Burco, haddii Illaahay idmo…”

 

Agaasimaha guud, waxa uu ballan-qaaday inay culimada dalka talo ka geysan doonaan manhajka maddarasadaha oo dhammaad ku dhaw iyo in markay dhammeeyaan diiwaangelinta hadba gobolka la dhammaystiro la gaadhsiin doono Kutubta Qur’aanka kariimka ah ee uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi bixiyey kharashka lagu soo daabacay oo illaa boqol kun oo Kutub ah. Agaasimuhu waxa uu u soo jeediyey Madaxda Maddaariska inay is-diiwaangeliyaan, maaddaama oo wax badan oo waajibaad ah ay dawladda ku yeelanayaan marka la ogaado inta shuruudaha buuxisay.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Diiwaangelinta madarasadaha berbera (4)

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Barnaamijkan diiwaangelinta maddarasaduhu muhiimad weyn buu innoo leeyahay, waayo waa inaynu naqaanno carruurteenna qofka wax u dhigaya aqoontiisa, ilmahaaga ciddaad ku aamminayso in la yaqaannaa aad bay u fiicantay, gobol ahaanna aad baannu u soo dhawaynaynaa diiwaangelinta maddarasadaha.”

 

Culimada iyo Maamulayaasha Maddarasadaha leh, ayaa iyagu isla maantaba safaf u galay goobta ay diiwaangelintu ka socoto, si ay u diiwaangeliyaan Maddarasadohooda, waxaanay uga mahad-celiyeen Wasaaradda, iyagoo xusay inay soo dhawaynayaan tirokoobkan, si dhawna ula shaqaynayaan wasaaradda heer gobol iyo heer qaran-ba.

 

“Waxaannu diyaar u nahay oo ballan-qaadaynaa inaannu la shaqayn doonno wasaaradda Diinta. Waxaannu soo dhawaynaynaa hawshan diiwaangelinta oo aannu u aragno mid muhiim ah oo wax badan na tari doonta, abaal baannu ugu hayn doonnaa wasaaradda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Culimada Maddarasadaha Berbera ee diiwaangelintooda la bilaabay.

 

Masuuliyiinta wasaaradda Diinta iyo awqaafta ee munaasibaddaas ka hadlay, waxaa ka mid ahaa; Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dacwadda Haweenka Hodan Cabdi Gaas, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Muuse Gaydh iyo Isu-duwaha, kuwaas oo sheegay inay hawshu si fiican uga bilaabantay gobolka Saaxil.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Diiwaangelinta madarasadaha berbera (3)

Diiwaangelinta Maddarasadaha Qur’aanka iyo Culuumta Diinta, ayaa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka bilawday Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-jeex 26ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka, taasoo la dhammaystiray badhtamihii bishii Maarso, halka ay gobolka Saaxil xaruntiisa Berberana ay maanta ka bilaabantay. Waxa ku xigi doona gobolka Togdheer oo ay xaruntiisa Burco ka bilaabmi doonto 3 bishan afraad haddii Illaahay idmo.

 

Waa markii ugu horreysay ee intii ay Somaliland jirtay tirokoobkan oo kale ay Wasaaraddu samayso, waxaana la gaadhsiin doonaa sida ay Masuuliyiinta Wasaaraddu sheegeen guud ahaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories