HomeWasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo tababar u furtay hawlwadeennada wasaaradda qaarkood

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo tababar u furtay hawlwadeennada wasaaradda qaarkood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Hargeysa (SLpost) – Masuuliyiinta u sarraysa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta furay tababar kor loogu qaadayo aqoonta hawlwadeennada waaxyaha kala duwan ee wasaaraddaas, tababarkaas oo ay bixinayaan macallimiin ka socota ururka waddaniga ah ee MARWO Development Action.
MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO URURKA MARWO OO TABOBBAR U FURAY SHAQAALAHA AWQAAFTA (4)Tababarkan oo ay bixinayaan macallimiin ka socota ururka waddaniga ah ee MARWO Development Action, ayaa waxa hadalladii furitaanka halkaasi ka jeediyay Wasiirka wasaaraddaas Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo sidoo kale Agaasimaha guud Sheekh Aadam Cabdillaahi Cabdalle. Agaasimaha guud oo faahfaahin ka bixiyay ujeeddada tababarkan, ayaa sheegay in looga dan leeyahay tababarkan in lagu kobciyo aqoonta hawlwadeennada wasaaradda, gaar ahaan dhinaca habqoraalka quman, wada-xidhiidhka iyo xirfadaha maamulka ee xafiis, kuwaas oo uu tilmaamay inay wax weyn ku kordhinayso shaqada maalinlaha ah ee wasaaradda. Agaasimuhu wuxuu u mahadnaqay Wasiirka wasaaradda oo uu tilmaamay inuu qayb ka ahaa hirgelinta aqoonkorodhsigan. Masuuliyiinta ururka waddaniga ah ee MARWO ayuu sidoo kale agaasimuhu uga mahadnaqay inay wakhtigooda huraan, waxaanu sheegay in qabanqaabada tababarkan ay u hagarbaxeen.
MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO URURKA MARWO OO TABOBBAR U FURAY SHAQAALAHA AWQAAFTA (3)“Tababarka noocan ah qof kasta oo shaqaynaya wuu u baahan yahay, sababtoo ah, in qofku shaqada uu qabanayo uu qaato hadba aqoonteeda la xidhiidha isagoo shaqaynaya waxay waxtar u tahay qofka iyo shaqadaba.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud, waxaanu intaa raaciyay, “Waxaannu ku talogalnay in aanu qoloba maalin shaqadooda ku tababarno, markaa maanta shaqaalihiina fursaddan helay idinka ayaa nasiib u yeeshay. Sidaa darteed, anigoo og aqoontiina, jaamacadaha aad ka baxdeen iyo kartidiina, haddana haddii aad tababarkan sidiisa u qaadataan, waxaan ogahay inaynu gaadhi doono ahdaafta aynu leenahay.”
MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO URURKA MARWO OO TABOBBAR U FURAY SHAQAALAHA AWQAAFTA (2)Geesta kale, Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ah macallimiinta tababarka bixinayay oo isna u hadlayay ururka MARWO ayaa tilmaamay in tababarkan dulucdiisa u weyni tahay carinta maskaxda hawlwadeennada iyo sidoo kale xusuusinta muhiimadda hawl-maalmeedka shaqada wasaaradda, waxaanu xusay in duruusta la dhigan doono maalmaha tababarkani socdo ay ka turjumi doonaan baahiyaha jira. “Waa aqoonkorodhsi aynu ku wadaagi doono cilmi aad qaarkiin hore u ogaydeen balse la idin xusuusinayo, qaarkiin kalena maskaxdooda lagu carinayo si kor loogu qaado shaqada aad u xilsaaran tihiin,” ayuu yidhi Barkhad Maxamuud Kaariye.
MASUULIYIINTA WASAARADDA DIINTA IYO URURKA MARWO OO TABOBBAR U FURAY SHAQAALAHA AWQAAFTA (1)Ugu dambayn, wasiirka wasaaraddaas Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida diiniyan in cilmi la korodhsadaa muhiim u tahay, waxaanu u mahadnaqay ururka waddaniga ah ee MARWO iyo Agaasimaha guud oo uu sheegay inay qabanqaabada iyo bixinta tababarkan iska kaashanayaan hirgelintiisa. Wasiirku waxa uu ka warbixiyay muhiimadda tababarkan, “Tababarkan idinka oo shaqaalaha ah iyo annagaba fursad bay inoo tahay, sababtoo ah iyadoo siyaasadda guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay sidii ay shaqaalaha uga dhigi lahaayeen dad hanan kara shaqada loo igmaday, haddana xil iyo waajib baa naga saaran in shaqaalaha aqoontooda la kobciyo,” ayuu yidhi wasiirku, waxaanu ku boorriyay hawlwadeennada inay duruustaas ka faa’idaystaan inta tababarku socdo, isla markaana ay hawlwadeennada kale ee aan nasiibka u helin u sii gudbiyaan aqoonta ay helaan. Waxaanu wasiirku furay tababarkaas oo socon doona muddo shan maalmood ah.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories