HomeWasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo in ka Badan Laba Kun oo Haween...

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo in ka Badan Laba Kun oo Haween ah u Qabatay Kulan Wacyigelin ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Khamiistii Maanta Furay Shirweyne Diini ah oo ay isugu yimaaddeen in ka badan laba Kun oo Haweenka Somaliland ka tirsan, isla markaana lagu qabtay Hargeysa.

blankKulankaas taariikhiga ah ee ay Haweenka tirada badani isugu yimaaddeen oo ka qabsoomay Hoolka ugu weyn Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayuu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Wasaardda Diinta iyo Awqafta u qaabbilsan Horumarinta Dacwadda Haweenka oo kaashanaya Raabidadda Dacwadda Haweenka ee Hargaysa, ayaa isugu jiray laba qaybood oo qayb ay Wasiirka Diinta iyo Culimada kale ee Kulanka ka qaybgalay ku wacyigelinayeen iyo qayb ay Haweenku si gaar ah isugu wacyigelinayeen.

Ujeeddada Kulanka, ayaa ahayd arrimaha la xidhiidha Nolosha Gabadha Muslimadda ah iyo Horumarkeeda, ugu horreyn Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ugu horreyn furitaankii kulankaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey guud ahaan Haweenka iyo Culimada ka qaybgalay iyo Hawl-wadeennada Xafiiska soo qaban-qaabiyey-ba.

blankWasiir Khaliil waxa uu ka warramay doorka ay Haweenku ku leeyihiin faafinta Diinta Islaamka iyo Dacwadda iyo weliba sida Diinta Islaamku u Sharaftay Dumarka Muslimiinta ah, xaq suganna u siisay. Wasiirku waxa uu Dumarka Shirkaa ka qaybgalay u soo jeediyey inay ka faa’iidaystaan wacdiyada Diiniga ah ee Culimadu u jeedisay iyo ka ay Haween ahaan isu jeedin doonaan.

Sidoo kale, Culimada Kulankaas ka hadlay, ayaa iyaguna ku dheeraaday muhiimadda ay Haweenku u leeyihiin Islaamka iyo sida Diintu ugu tiirsantay, maaddaama oo ay yihiin masuuliyiinta Guryaha ee barbaarinta Diinta Islaamka iyo Tarbiyadda Ubadku ka soo bilaabanto.

blankHaweenka, ayaa Xubnaha Diinta ku Xeel-dheer ee Culimada ah ee ka tirsani, waxay Dumarka Kulanka joogay u jeediyeen wacdiyo Diini ah iyo waanooyin la xidhiidha ku dhaqanka suubban ee Sunnaha Nebiga iyo Kitaabka Qur’aanka ah iyo inay wax kasta ka horumariyaan arrimaha Diiniga ah, kuna dedaalaan ku barbaarinta Diinta ee Ubadka yaryar.

Kulankan, ayaa sannadle ah, isla markaana dhawrkii sano ee u dambeeyey ay Haweenka u qabanaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo Culimadu aad u soo dhaweeyey joogtaynta Kulammada Diiniga ah ee Wasaaraddu qabato oo kan Haweenku ka mid yahay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories