HomeXukuumadda Somaliland oo Guddi Culimo ah u Saartay La-dagaalanka Gudniinka Fircooniga ah...

Xukuumadda Somaliland oo Guddi Culimo ah u Saartay La-dagaalanka Gudniinka Fircooniga ah iyo magacyadooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland ayaa ku dhawaaqday Magacyada Guddi Culimo ah oo loo Xil-saaray ka-talo-bixinta iyo isku soo dubba-ridka Qorshe loogu magac-daray La dagaalanka dhibaatooyinka Gudniinka Fircooniga ah.

blankWasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaaddeen culimo ka kala socotay gobollada dalka oo ay si wada-jir ah u qaban-qaabiyeen Wasaaradda Diinta iyo hay’adda UNFPA, waxa uu sheegay in guddigani hay’adaha iyo Wasaaradaha ka shaqeeya aafada gudniinka fircooniga ah kala shaqeyn doonaa Qorshe wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu u diyaarisay in lagu wejaho la-dagaalanka gudniinka Fircooniga ah.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxa aan la wada-soconnaa inay dalka ka socdaan dedaallo badan oo muddo dheer jiray oo dhinacyo kala duwan ah kuwaas oo u baahan in la mideeyo, si isku mid ahna looga wada-shaqeeyo arrinkan.Laga bilaabo hadda, waxaanu ku dedaali doonnaa inaan mideyno aragtida ku aaddan iyo in culimadu si toos ah uga qayb-qaataan la-dagaalanka dhibaatooyinka uu keeno Gudniinkani.

Wasiir Ahaan waxaan halkan kaga dhawaaqayaa Guddi culimo ah oo ah sagaal xubnood, kuwaas oo noqon doonaa Guddiga rasmiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Gudniinka Fircooniga ah. Guddigani waxay si toos ah u hor iman doontaa Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, waxaanay si rasmi ah ugu shaqayn doonaan istaraatajiyadda ka-talinta arrimaha la xidhiidha Gudniinka Dumarka oo u baahan in la waafajiyo Shareecada Islaamka.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan farriin ugu dirayaa cid kasta oo ka shaqaysa arrinkan hadday yihiin hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah iyo Wasaaradaha dowladdaba inay la shaqeeyaan Guddigan. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in dhammaan shuruucda iyo Mashaariicda iyo wax-qabadyada la xidhiidha arrinkan la waafajiyo shaqooyinka guddigan aan u xil-saaray oo aan sina shareecada uga maarmaynin,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Khaliif Cabdilaahi.

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku halkaas kaga dhawaaqay magacyada Guddiga ka kooban 9 xubnood oo laga soo xulay culimada dalka, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin sida hoos ku xusan:-

  1. Sheekh Maxamed Cali Biixi – Sanaag
  2. Sheekh Cabdirisaaq Cali Xuseen (Albaani) – Togdheer
  3. Sheekh Siciid Xuseen Diiriye – Maroodijeex
  4. Sheekh Maxamed Macalin Aadan – Wasaaradda Diinta iyo Qaafta, Xidhiidhe
  5. Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf – Saaxil
  6. Sheekh Xaamud Nadiif Axmed – Awdal
  7. Sheekh Cabdicasiis Xasan Faarax – Sool
  8. Sheekh Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf – Maroodijeex
  9. Sheekh Cali Cabdilaahi Cilmi – Maroodijeex
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories