HomeWasaaradda Dib U Dejinta Oo Deeq Raashin Ah U Qaybisay Qaxoonti Yemeniyiin...

Wasaaradda Dib U Dejinta Oo Deeq Raashin Ah U Qaybisay Qaxoonti Yemeniyiin Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay u qaybisay raashin loogu tallo-galay inay ku afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, dadka ka soo qaxay  dagaalada ka socda wadanka Yemen ee ku sugan dalka iyo dad  danyar ah oo degan magaaladda Hargeysa.

Xaflad  Loogu qeybinayay  raashinkan 905 qoys oo danyar ah iyo 145 qoys oo ka soo barakacay dagaalada Yemen oo ku wada sugan  magaaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka wasaaradda dib u dajinta Cali Siciid Raygal, wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo wasiir ku xigeenka  Maamulka goboladda  ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadare.

Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in la filayo in ay dalka soo gaadhaan dad kale oo ka soo cararay dagaalada Yemen, waajibna ay tahay in la caawimo dadkaas soo barakacay, waxaana uu yidhi “Cid kasta oo aduunka ku nool ee muslimiinta ah waxa ku waajiba in wax la taro dadka soo barakacay, baryahan aad ayay u soo badanayaan dadkii qaxoontiga ahaa ee ka imanayay dalka Yemen, waxaana la filayaa in Somaliland ay soo  gaadhaan dad gaadhaya kumaanaan kun oo qof cid kasta oo wax tartana ajar iyo xasanaad ayay ka helayaan.”

Wasiir ku xigeenka  maamulka goboladda ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadkani baahi u qabeen in la guddoon siiyo raashinkan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka go’an tahay inay caawiso dadka ka soo barakacay dagaalada Yemen iyo dadka danyarta ah  ee ku sugan dalka.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories