HomeWasaaradda Dib U Dejinta Oo Deeq Gaadhsiisay Qaxoontiga Ka Soo Barakacay ...

Wasaaradda Dib U Dejinta Oo Deeq Gaadhsiisay Qaxoontiga Ka Soo Barakacay Dagaallada Yemen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Wasaaradda dib u dejinta Somaliland, ayaa shalay agab iskugu jira weelka cuntada lagu karsado iyo hu’ga la hawado u qaybiyay dadka qaxoontiga ah ee ka soo barakacay dagaalada ka socda dalka Yemen ee Somaliland ku sugan oo ay ugu tallo galeen inay noloshooda ku kaafiyaan.

Wasiirka wasaarada dib u dejinta Somaliland Cali Sicidi Raygal oo warbaahinta la hadlay waxa uu hay’addaha deeqbixiyayaasha ah iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta ugu baaqay inay wax taraan dadka qoxoontiga ah ee ka soo barakacay dalka Yemen.

“Waxa maanta (shalay) halkan loogu qaybinayaa agabka loogu tallogalay in la huwdo oo la goglado, wax lagu cuno iyo wax lagu karsado dadkii qoxoontiga ah ee Yemeniyiinta ahaa, waana ilaa kun iyo dhawr boqol oo qof, hay’adda UNCHR-baana u keentay agabkan loo qaybinayo iyagana waanu u mahadnaqaynaa, cid kasta oo dadkaa qoxoontiga ah hadday yihiin Yemen, hadday yihiin reer Somaliland  gacan ka geysatay aad baanu ugu mahadnaqaynaa.”

Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray “Dhamaanba dadka ganacsatada ah, hay’addaha deeqbixiyayaasha ah cid kastaa wixii ay ka geysan karto dadkaa qoxoontiga ah ee Yemeniyiinta ah waa inay ka geysato iyo dadka ree Somaliland ee iyagu muddada dheer ka maqanaa dalka ee soo qaxay ee u baahan inay nolosha la qabsadaan.” ayuu yidhi Wasiirka dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal

Cali Siciid Raygal waxa uu intaas ku daray “Kuwa qoxoontiga ah ee iyaguna barakacayaasha guddaha ah ee abaaruhu soo barakiciyeen ama haddeer ha noqoto ama wakhti hore ha noqotee,  dhamaanba waxaanu ugu baaqaynaa inay dadkaa caawiyaan oo cid waliba wixii ay gacan ka geysan karayso ay ka geysato.”

Sidoo kale Wasiirka dib u dejinta Somaliland waxa uu ganacsatada iyo hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay ka qaybqaataan sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka ku dhaqan deegaanada abaaruhu ay ku habsadeen, waxaanu yidhi  “Waxa jira abaaro ba’an oo ka jira Somaliland oo u badan dhinaca galbeedka iyo xeebaha, hay’addaha deeqbixiyayaasha ah ee wax caawiya, dadka kale ee muslimiinta ah, ganacsatadatada cid waliba waxa weeyaan inay gacan ka geysato. Dadkaa soo noqon doona hadhow ee magaalooyinka culays ku hayn doona ee Wasaaradd ahaana culayska nagu hayn doona  oo noqon doona dad barakacayaal ah oo guddihii dalka ku soo barakaca, ILAAHAY waxaanu uga baryaynaa inuu raxmada Roobka u shubo, waxaanan leenahay cid kastaa wixii ay u qaban karto ee ay hayso wax ha ugu tarto.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories