HomeWasaaradda Deegaanka iyo Garsoorka Oo Iska Kaashanaya Shuruucda Caalamiga ah ee Ilaalinta...

Wasaaradda Deegaanka iyo Garsoorka Oo Iska Kaashanaya Shuruucda Caalamiga ah ee Ilaalinta Duurjoogta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex ayaa si wadajir ah tababar ugu furay xubno ka kala socday Bahda Garsoorka, Wasaaraadda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Jaamacadda Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa maanta si wadajir ah tababar ugu furay 18 xubnood, oo iskugu jira Garsoorayaal, Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa.

Furitaanka tababarka waxa ku wehelinayay Garsooraha Maxkamadda Sare Yaxye Cali Idiris oo kamid ah khuburada tababarka bixinaysay, ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Iid, Agaasimaha qaybta xidhiidhka Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub, La taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Madaxa Xafiiska Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin iyo saraakiil ka socotay Hay’adda NRCN.

Tababarkani oo ku qotoma Xeerka Duur-joogta iyo sidii looga ilaalin lahaa ka ganacsiga sharci-darada ah ee lagula kaco ayaa socon doona muddo 8 cisho ah, waxanna iska kaashaday taaba-gelintiisa Maxkamadda Sare, Wasaaradda Deegaanka iyo Jaamacadda Colorado. Waxanna Tababarka bixin doona khuburo iyo xeel-dheerayaal bartay culuumta la xidhiidha deegaanka iyo shuruucda lagu ilaalinayo bed-qabka deegaanka iyo duur-joogta. Mudada uu tababarkani socdo waxa lagu lafa-guri doonaa siyaabaha looga hortago iyo nidaamka loo soo oogo eedaha la xidhiidha dambiyada laga galo deegaanka iyo duur-joogta.

Ugu horayn waxa furitaanka tababarka ka hadlay Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ahna Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Iid, waxaanu xusay in Garsoorku hore dedaal ugu jiray, tababarkanina la xidhiidho shaqada maalinlaha ah ee ay bulshada u hayaan, waxaanu hoosta ka xariiqay in wax lagu farxo ay tahay, in maanta Garsoorkii bixinayo tababaro ay ka faa’iidaysanayaan hay’adihii ay wada shaqaynta lahaayeen. Geesta kale Agaasimaha Qaybta xidhiidhka ee Jaamacadda Hargeysa Maxamed Sulub ayaa is-dul-taagay in ay muhiim tahay wada-shaqaynta Jaamacadaha iyo Hay’adaha dawladda, maadaama dejinta siyaasadaha ay laf-dhabar u tahay daraasadaha ay soo saarayaan jaamacaduhu. Maxamed Sulub ayaa xusay in Jaamacadda Hargeysa hadda diyaar u tahay isla markaana awood u leedahay in ay hagto siyaasadaha Qaran ee lagu waajahayo dhinacyada kala duwan ee nolosha oo ay qayb ka tahay ilaalinta duur-joogtu.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa dhankeeda tibaaxday in bahda Garsoorku dedaal xoog leh kaga jirto sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa dambiyada laga galo deegaanka iyo duurjoogtaba, waxaanay xustay in gal-daloolooyin dhanka xeerka ilaalinta duur-joogta ahna hadda gebo-la marinayo wax-ka-bedelkii iyo kaabistii, kaasi oo wax badan ka tari doona ilaalinta iyo bed-qabka duurjoogta.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu ilaalin karo duurjoogtu tahay xeerka iyo in ay iska kaashadaan hay’adaha kala duwan ee wada shaqaynta leh. Waxaanu xusay in deegaanka nolosheenu ku xidhan tahay isla markaana ay waajib tahay in la ilaaliyo si jiilasha dambe innooga dhaxlaan.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka, waxaanu kula dardaarmay xubnaha tababarka qaadanayay in ay dedaal badan galiyaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen duruusta ay bixinayaan khuburada isla markaana ugu dabaqi lahaayeen hawlahooda shaqo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories