HomeWasaaradda Ciyaaraha iyo Ururka Waayo-arag oo iska kaashanaya qorshe dhaqan-celin loogu samaynayo...

Wasaaradda Ciyaaraha iyo Ururka Waayo-arag oo iska kaashanaya qorshe dhaqan-celin loogu samaynayo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal oo uu Weheliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Xasan Cali Cawad ayaa galabta tababar u furay kooxda kubadda cagta ee ku ciyaarta magaca ciidanka asluubta si u iyaguna tabobar ugu fidiyaan maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Waxaa tababarkan soo qaban qaabiyay ururka Waayo-arag, iyagoo gudoonsiiyay qalab ay ugu talo galeen inay ku ciyaaraan kooxda kubada cagta ee Ciidanka Asluubta.

Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Xasan Cali Cawad oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay waxtarka balaadhan ee ururka Waayo-arag la garab-joogo kooxda ku ciyaarta magaca ciidanka asluubta taas oo wax weyn ka taraysa ayuu yidhi sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada iyo aqoonta kooxdan.

Taliye ku xigeenku waxa uu sheegay in arintani ay la xidhiidho hawlaha dhaqan celinta ee ay ka wadaan Xabsiyada Wadanka, isagoo tusaale u soo qaatay warshad ay dhawaan u fureen maxaabiista ku jirta xabsiga mandheera, ujeedada laga leeyahayna ay tahay sida uu yidhi in maxaabiistu marka ay xukunkooda dhamaystaan ay bulshada kula soo dhex noqdaan maskax fayow iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

Gudoomiyaha ururka Waayo arag Axmed Maxamed Xasan “Sawaaxili” ayaa sheegay in Tababarkani uu noqonayo kii Kontanaad ee ay u fidiyaan dhalinyarada ku hawlan ciyaaraha kubada cagta,waxaanu xusay in gobolada Togdheer iyo Sanaag oo qudha aanay tagin isla markaana ku rajo weyn yihiin inay dhawaan tababaro noocan oo kale ah ka soo qabtaan.

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa uga mahad celiyay ururka Waayo-arag ee isu xilqaamay sidii ay dhalinyarada ku hawlan mihnada ciyaaraha aqoontooda kor ugu soo qaadi lahaayeen,Wasiirku waxa uu ku booriyay bah’da ciyaaraha Somaliland inay ka fogaadaan ficilada xun xun ee nusqaanta ku ah ciyaaraha sida Qabyaalada,iyo balwadaha oo dhaawac ku ah mustaqbalka ciyaartoyga.

Mudane Cali Siciid Raygal waxa uu intaas ku daray in Xukuumada uu ka tirsan yahay ay ka go’an tahay sidii ay wax ula qaban lahayd dhalinyarada, isagoo kula dardaarmay kooxda kubada cagta ee ciidanka asluubta sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen mudada uu tababarkani u socdo,duruusta ay ka kasbadaana ay ku dabaqaan xirfadooda ciyaareed isla markaana la qorshaynayo sidii ay ugu gudbin lahaayeen maxaabiista xabsiyada ku jirta inta karaankooda ah.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories