HomeWasaaradda Cadaaladda Somaliland oo Dhiirri-gelinaysa Shuruuc ka soo horjeedda Diinta Islaamka iyo...

Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo Dhiirri-gelinaysa Shuruuc ka soo horjeedda Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Suubban

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland oo kaashanaysa hay’ad fadhigeedu yahay magaalada Oslo ee dalka Norway oo lagu magacaabo NORAD, ayaa ku hawlan sidii maxkamadaha dalka looga hawl-galin lahaa Garsooreyaal Dumar ah, iyada oo qorshahan ay dhiirrigelinayso hay’adda NORAD.

Warbixin ay soo saartay hay’adda NORAD oo lagu faahfaahiyey hawlaha ay ka qabtaan guud ahaan Somaliland iyo Somaliya, ayaa lagu sheegay in ka qeybgalka haweenka ee nidaamka garsoorka Somaliland ee xeer-ilaalinta tahay talaabo dhirigelin leh.

Xuseen Axmed CaydiidWaxa ay hay’addu warbixinteeda ku sheegay in Wasiirka cadaaladda Somaliland aaminsan yahay in haweenka oo laga hawl-galiyo Waaxda Xeer-ilaalinta ay ku gaadhi doonaan heer ay ugu dambayn noqdaan garsoorayaal buuxa, isla markaana ku bilaabi doonaan hawshooda kiisaska qoysaska.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay tallaabadaasi noqon doonto guul laga gaadhay ka qebgalka haweenka ee nidaamka garsoorka Soomaalida.

Si aanu xaqiijinta warbixinta hay’adda iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda Cadaaladda ugu kuur-galno, waxa uu wargeyska Himilo xidhiidh la sameeyey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Md Xuseen Axmed Caydiid oo hay’addu ku xustay warbixinteedu inuu raalli ka yahay isla markaana uu dhiirri-gelinayo inay haweenku door muhiim ah ku yeeshaan nidaamka garsoor ee dalka, gaar ahaan Maxkamadaha.

Md Xuseen Axmed Caydiid oo aanu xalay khadka telefonka wax kaga weydiinnay arrintan, waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday ka-hadalka arrintan, isaga oo shegay inaanu wakhtigan diyaar u ahayn ka-hadalkeeda, balse ee uu wakhti kale si faahfaahsan u sharrixi doono.

“Xilligan haa iyo maya midna kuma odhan karo, maxaa yeelay waxa haboon inaan xilli kale tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo waxa ka jira iyo wixii kale mowduucan,” sidaas ayuu yidhi wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland.

In kasta oo fasiraadda shareecadu mamnuucayso in haweenku noqdaan garsoorayaal, haddana hirgelinta qorshahan iyo doorka Haweenku ku noqon karaan Garsoore Maxkamaddeed oo ku salka ku haysa Afkaarta iyo Dhaqannada Garsoorka reer Galbeedka, waxa uu qorshahani haddii uu hirgalo saamayn ku yeelan karaa Dhaqanka iyo Caadada bulshada Soomaaliya iyo Kan Diinta Islaamka, sida uu ku dooday Sheekh Axmed Cabdilaahi oo ka tirsan culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa.

“Diinteenna iyo Dhaqankeena meelna kagama jirto inay haweenku shuqul ku yeeshaan arrimaha Xukunka iyo ku shaqaynta shareecada, waayo Illaahay iyo Rasuulkiisuba way noo sheegeeen. Tan aad sheegayso marka la eego, runtii waxay ka mid tahay shaqooyinka ay hlakan u yimaaddaan nimankan reer Galbeedka ah ee ina leh waxyaannu idinka caawinaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Axmed Cabdilaahi oo Himilo waxa ka weydiiyey doorka Diin ahaan iyo Dhaqan ahaanba uga bannaan haweenka ka-qayb-qaadashada shuruucda iyo Xukunnada Maxkamadaha.

Mowduuca iyo Aragtida Diinta Islaamku ka qabto in haweenay noqoto garsoore, ayaa hore muran iyo kala-qaybsanaan ka abuuray waddamada Islaamka ah qaarkood, gaar ahaan dalka Masar oo markii koowaad haweenay Garsoore Maxkamadeed loo magacaabay xilligii uu dalkaas ka talinayey madaxweynihii hore Maxamed Xusni Mubaraak, taas oo keentay in xilka laga qaado wakhtigii uu xukunka dalkaas ku guulaystay xisbigii Ikhwaanul-muslimiinta ee xukuumaddii la af-gambiyey ee madaxweyne Mursi oo la hirgeliyey dastuur Cusub.

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories