HomeWasaaradda Caafimaadka Somaliland oo lagu Wareejiyey Gaadiid iyo Qalab Caafimaad oo Casri...

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo lagu Wareejiyey Gaadiid iyo Qalab Caafimaad oo Casri ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdilaahi, ayaa si wada-jir ah maanta masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka ugu wareejiyey Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) oo loogu talo galay in lagaga hawlgalo goobaha ka durugsan magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo gaadhi kale oo xaajiyad ah oo jiidaya, kaas oo uu madaxweynaha qaranku ugu deeqay wasaaradda Caafimaadka.

blankSafiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdilaahi, ayaa ugu horrayn wareejiyey Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) oo agabkiisii u dhammaystiran yahay, waxana ay madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ku ladhay Gaadhi xaajiyad ah oo cusub oo uu madaxweynuhu ku deeqay, kaas oo jiidi doona Shaybaadhka casriga ah oo ah nooca taayirrada leh ee loogu talo galay in meelaha magaalooyinka ka baxsan lagaga adeego.

Munaasibadda wareejinta Agabka casriga ah ee shaybaadhka iyo gaadhiga jiidaya oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, Agaasimaha guud ee Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambasaddor Cabdi Cabdilaahi, Agaasimaha waaxda qurbejoogta ee wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Sacad Maxamed Cabdi Geddo, agaasimaha Laybareeriga qaranka, Mudane Axmed Daahir iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo madaxweynaha qaranka iyo cid kasta oo ka qaybgashay deeqdaas muhiimka u ah daryeelka caafimaadka muwaadiniinta oo ay ugu horreeyaan qurbjoogta iyo qaar kamid ah safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka dibadda.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdilaahi, ayaa fureyaasha gaadiidka ku wareejiyey masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee madasha goob-joogga ku ahaa, kuwaas oo si rasmi ah ula wareegay gaadiidkaas iyo agabka shaybaadhka casriga ah ee la socda.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories