HomeWasaaradda Caafimaadka oo hay’adda MSF kala wareegtay Gacan-ku-haynta Cusbitaalka Ceerigaabo

Wasaaradda Caafimaadka oo hay’adda MSF kala wareegtay Gacan-ku-haynta Cusbitaalka Ceerigaabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta kala wareegtay Hay’ada MSF gacan ku haynta Cisbitaalka Magaalada Ceerigaabo.

Munaasibad loo sameeyay ku wareejinta Cisbitaalka Ceerigaabo oo ay mudo laba sanadood ah maamulaysay hay’ada Caalamiga ah ee MSF, waxa ka qayb galay oo kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag,Duqa Magaalada Ceerigaabo,Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka iyo madax kale .

Madaxa hay’ada MSF ee Somaliland ayaa madashaasi ka sheegay in ay ka dhamaatay mudadii ay gacanta ku hayeen Cisbitaalka Magaaladaa Ceerigaabo waxaanu xusay in cisbitalka ay maanta u dhamaystiran yihiin dhamaanba agabkii uu ku hawlgalayay .

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo halkaasi ka hadashay ayaa u mahad celisay hay’ada MSF oo wax badan ka qabatay adeegii caafimaad ee uu gobolkaasi u baahnaa waxaanay xustay inay ku dadaali doonaan sidii aanu cisbitaalkani heerka uu haatan ku sugan yahay, ay kor u qaadkiisa xooga saari doonaan,Wasiir ku xigeenada Caafimaadku waxaa kale oo ay ka warbixisay Siyaasada u degsan wasaarada caafimaadka eek u wajahan tayaynta goobaha caafimaad.

Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxay u soo jeedisay shacbiga ku nool gobolka Sanaag inay meel iska dhigaan fikradaha dantooda aan ka turjumayn isla markaana ay adkeeyaan wax kasta oo horumarkooda qayb ka qaadan kara .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Geel Jire ,Duqa Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Cabdi Guray iyo Isu duwaha Cusub ee Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Sanaag Dr Carabayte oo dhamaantoodba u mahad naqay Hay’ada Caalamiga ah ee MSF oo ay tilmaameen kaalintii ay ka qaadatay hawlaha dhinaca caafimaad ee bulshada ku nool magaalada Ceerigaabo u baahnaayeen.

Somalilandpost.net

Ceerigaabo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories