HomeWasaaradda Caafimaadka oo Hakisay Wadashaqayntii Hay'adda UNICEF

Wasaaradda Caafimaadka oo Hakisay Wadashaqayntii Hay’adda UNICEF

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr: Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa lagu soo waramayaa in uu Hay’adda UNICEF u gudbiyey qoraal uu kaga joojinayo hawlihii ay wasaaraddiisa kala shaqayn jirtay ee dhinaca Caafimaadka, kaasoo uu qoray Agaasimaha Guud oo tixraacaya amarka wasiirku.

Wararka la xidhiidha talaabada wasiirku ka qaaday UNICEF ayaa la sheegayaa in uu la xidhiidho khilaaf culus oo wasaarada iyo UNICEF ka dhex taagan, kaasoo ku saabsan fulinta Mashruuc la yidhaahdo JHNP (joint help and nutrition programme), ama Xidhmooyinka Caafimaadka oo ay Maal-galinayaan hay’addaha DIFID, USAID, SIDA iyo Australian AID, kaasoo laga fulin lahaa sadexda Gobol ee Sanaag, Togdheer iyo Awdal.

UNICEF ayaa la sheegayaa murankaas hore kadib dhaqaalaha ay siiso waraasadda inay u samaysay nidaam cusub, kaasoo ay iyadu masuuliyadiisa yeelanayso, hase yeeshee Wasiir Xagla-toosiye ayaa la sheegayaa in ay qorshahaa qaadacday wasaaradda caafimaadku oo dalbatay in lagu wareejiyo kharashka. Halka qorshahaas oo ahaa mid balaadhan oo ay UNICEF Hanti-dhawr ku galisay wasaaradaha kale ee ay Somaliland kala shaqaysaa soo dhaweeyeen, isla markaana u ogolaadeen in uu galo, balse talaabada ay madaxda wasaaraddu ku hor istaagtay ay kaga jawaab celiyeen inay tahay wasaaradda Caafimaadku mid aan la isku halayn karayn nidaamkeeda Xisaabeed.

Hay’adda UNICEF ayaa Dacwad ka dhan ah wasiir Xagla-toosiye u gudbisay Qaramada Midoobay, waxaana la filayaa in ay dhawaan Dalka yimaadaan wafti Madaxweyne Siilaanyo kala kulmi doona Dacwadaasi si wax looga qabto.

Mashruucan muranku ka taagan yahay ayaa la sheegayaa in Gobolka Sanaag qaybo ka mid ah oo kali ah la isku dayey in laga bilaabo balse la hakiyey kadib markii la isku qabsaday, iyadoo barriga Sanaag oo qayb ka ahaa meelaha laga fulinayey wasaaraddu qorshahaba ka saartay, halka Buuhoodle Ururkii la siiyey laga hor istaagay in uu fuliyo.

Barnaamijka xidhmaha Caafimaadka ay qayb weyn ka qaadanayey dhismaha adeegyada Caafimaadka isla markaana kabayey mushaharka shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl-gala xarumaha Caafimaadka Somaliland.

Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo ah Hakin wadashaqayneed waxa uu u dhignaa sidan:-

Anigoo Tixraacaya warqada sumadeedu tahay (Ref:MoH /M284/10/2015) kana soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda caafimaadka, taasoo uu ku hakiyey wadashaqayntii ka dhaxaysay wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adda UNICEF .

Hadaba waxaa dhamaan Agaasimayaasha iyo Hawl-wadeenada kale  ee wasaaradda Caafimadka la farayaa inay hakiyaan waxkasta oo xidhiidh ah oo ka dhaxeeya hay’adda UNICEF iyo wasaaradda inta xal laga gaadhayo caqabado badan oo ay hay’adaasi ku hayso wadashaqayntii inaga dhaxaysay, taasoo dibu dhac weyn iyo dhaawac ku noqotay barnaamijyadii shaqo ee u qorshaysnaa muddo badan.

Waxa kaliya oo la ogolyahay dhamaystirka wixii hawlo ee wasaaradda baaqi ku ah sida xisaab celinta, kuwaas oo iyana ku bixi doona amarka Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka.

Dhinaca kale, ilo wareed muhiim ah ayaa sheegaya in khilaafka labada dhinac saameeyey Raashin nafaqo ah oo ay hay’adaasi keentay Berbera in laga hor istaagay in lagu rogo bakhaarkii ay dhigan jireen ee ay wasaaraddu maamusho, waxaana soo baxaya carruur nafaqo darro haysay inay u baahan yihiin Raashinkaas.

UNICEF ayaa malaayiin Doolar ku kharash garaysa Caafimaadka Somaliland, wallow dhaliilo ka taagan yihiin wadashaqaynta ay leeyihiin wasaaradda Caafimaadka, waxaana ragaaday mashaariic badan oo ay ugu wayn tahay wacyigalintii loo samayn jiray barnaamijyada ay bixiyaan, kuwaas oo ay caqabad kala soo daristay hay’adaha xukuumadda iyo kuwa warbaahinta ee ay ka wada shaqayn jireen.

Source-Waaheen

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories