HomeWasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo tafaasiil ka bixisay Fureyaasha cusub ee...

Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo tafaasiil ka bixisay Fureyaasha cusub ee Shirkadda TELESOM ku kordhisay adeeggeeda Moobillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa ka hadashay fureyaasha cusub ee Shirkadda Telesom ku kordhisay Numberrada Moobilada iyo sababaha Keenay in Shirkaddu ku kordhiso.

xasan-cumar-hoori

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md Xasan Cumar Hoorri, waxa uu sheegay in numberka 063 ee shirkaddu ku kordhisay numberrada telefoonada Gacantu uu yahay mid qayb-ahaan shirkadda kaga soo hagaagay Furayaal Cusub oo hoostaga Numberka 252 ee ay wadaagaan Shirkadaha ka hawl-gala Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Warsaaxafadeed uu Agaasimaha Guud kaga hadlay Arrintan oo uu maanta soo saaray, ayaa u dhignaa sidan:  “Shalay, 8dii May 2013, shirkadda Isgaadhsiinta Telesom waxay lambaradeedii ku soo kordhisay Tirsiga 063 taas oo keentay in la isweydiiyo lambarka cusub inkastoo shirkaddu in muddo ah dadweynaha ku wacyigelinaysay isbedelkan soo kordhay.

Haddaba waxaa Wasaaradda xaq loogu leeyahay in ay bulshada u iftiimayso lambarkan soo kordhay iyo in ay dadweynaha ka wacyigeliso wax kastoo la xidhiidha isgaadhsiinta dalka.

Sida aan ka warqabno, Ururka Caalamiga ee GSM waxaa uu lamabar 06 u qondeeyay telifoonada mobilka ee Somaaliland iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ee Badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ay saami u heshay lambarka 061. Shirkadda Gollis ee maamulka Punland iyaduna waxaa ay qaadatay lambarka 062 halka shirkadaha Somaliland iyaguna ay kala qaateen Telesom 063, Telecom 065, iyo Nationlink 067 iyo 068.

Ilaa hadda dalkennna waxaa laga isticmaala furaha dal (country Code) 252 kaas oo aan la wadaagno Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa innoo kala soocan furayaasha degaamada. Sidaa darteed, waxaannu halka ku qeexaynaa lambarka cusub ee 063 inuu gaar u yahay dalkeenna iyo Shirkadda Telesom ee Somaliland. Lambarku ma aha mid aan la wadaagno Xamar kamana duwanaa qorshayaashii hore ee lagu maamuli jiray lambarada dalka.

Haddaba iyada oo isla arrinkan ay hore warbaahinta uga la hadleen Wasiirka iyo madaxda Waaradda Boosaha & Isgaadhsiinta, mar labaad, waxaan halka ka cadeynaynaa in wasaaraddu oggolaatay adeegsiga lambarka 063 islamarkaana in aanu waxba u dhimmayn qarannimada Somaaliland taasoo dhammaanteen aan u wada taagan nahay difaaceeda iyo horumarinteeda.

Wasaaraddu waxay hore farta ugu godday adeegsiga furaha dal (252) ee ilaa hadda aan la wadaagno Somaaliya kasoo haddii aanu si dhakhso ah looga xadhig furan, dhowaan, keeni doona innaga xidhaan xukuumadda Somaaliya ama in ay innagu cashuuraan.

Sidaa darteed, waxay wasaaraddu hore ugu baaqday in shirkadaha isgaadhsiintu shir muhiim ah isugu yimadaan Xafiiska Agaasimaha Guud, 10.00 subaxnimo, maalinta Arbacada, 15ka May si looga wada hadlo qorshaynta lambarada qaran iyo wax kasta ka hor in laga wada hawl galo sida ugu dhow ee dalku ku heli karo Fure Dal oo gaar u ah Somaaliland. Waxaannu ku rajo weyn nahay in xukuumadda, shirkadaha isgaadhsiinta, ganacsatada iyo aqoonyahanku gacan naga siin doonaan sidii loo xaqiijin lahaa arrinkaa oo leh mudnaanta kowaad ee dalka.

Allaa Mahad Leh

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories