HomeWasaaradda Beeraha Somaliland oo walaac xooggan ka muujisay Ayax si baaxad leh...

Wasaaradda Beeraha Somaliland oo walaac xooggan ka muujisay Ayax si baaxad leh ugu baahaya dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa mar kale walaac xooggan ka muujisay baaxadda marxaladda uu marayo cayayaanka Ayaxa oo ku sii baahaya deegaannada Xeebta iyo Bananka dalka Somaliland, kaasoo dhawrkii bilood ee u dambeeyey u kala dab-qaadayey gobollada iyo degmooyinka waddanka qaar badan oo ka tirsan.

War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta Wasaaradda Beeraha ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay inaanay Wasaaraddu isticmaali Karin waqtigan Sunta Kiimikada ah ee loogu talo-galay la-dagaallanka Ayaxa heerka uu marayo oo aan la xakamayn Karin awgeed.

wasiirka beerahaQoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

Wasaaradda  Beeraha  Somaliland  waxay caddaynaysaa iyadoo horana  dhowr jeer  digniino u soo saartay in Ayaxii ku habsaday Xeebaha Badda Cas ee Somaliland uu haatan khatar ku haya deegan-daaqsimeedka  goballada Selel, Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

Ayaxaas oo haatan dam ka siiyey Daaq badan gaar ahaan Banka Giriyaad, Lughaya,  Cabdi-geeddi,  Ceel-darad iyo  Banka Goobaare, wuxuu Ayaxaas oo haatan korankor ahi u gudbayaa  dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxa jirta in xilligan Xoolo aad u fara badani ay ku sugan yihiin jiidahaasi Ayaxu ku habsaday oo ay adag tahay in la isticmaalo Sunta kiimikada ah ee lagu buufiyo Ayaxa sida MALATHION. Sidaas darteed, Wasaaradda Beeruhu waxay ku talo-bixinaysaa in aan lagu deg-degin in loo isticmaalo Sunta khatarta ku ah Xoolaha, dadka  iyo deeganka-ba,  balse loo isticmaalo habka makaanikalka  ah.

Wasaaraddu waxay  ka waddaa jiidahaas dawo aan Xoolaha iyo dadka toona u lahayn dhibaato, hase-yeeshee, Ayaxa ayaa ka baaxad waynaaday arrintaas. Wasaaraddu  waxay si deg-deg ah isugu  yeedhay  Hay’adaha Caalamiga ah ee ay khusayso arrinta Ayaxa sida FOA, DLCO markii Labaad.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories