HomeWasaaradda Beeraha Somaliland oo soo bandhigtay Natiijada ka soo baxday Tijaabada Khudaar...

Wasaaradda Beeraha Somaliland oo soo bandhigtay Natiijada ka soo baxday Tijaabada Khudaar Qaab Casri ah loo Beeray + Daawo SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Hawl-wadeennada Waaxda Wax soo-saarka iyo Sugidda Cuntada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Markii Saddexaad waxay Green House ku dhex yaalla Xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha ee Magaalada Hargeysa, ka gureen khudaarta loo yaqaanno Khiyaarka.

Sida lagu sheegay war-qoraal ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Wasaaradda Beeraha, Green House-kan oo laba jeer oo hore looga guray ku dhawaad laba boqol oo Kiiloo oo Khiyaar ah, ayaa Maantana laga soo guray 125G oo kale, kaasi oo sidii loogu talo-galay u baxay isla-markaana u bislaaday.

Beeraha (4)

Hawl-wadeennada Waaxda Wax soo-saarka ee Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa Maanta Green House-ka ku dhex yaalla Xarunta Wasaaradda Beeraha ee Hargeysa ka guray illaa 50KG oo Xabuub ama Tamaandho ah, taasi oo si tijaabo ah halkaasi loogu beeray.

Sidaana waxa Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Beeraha u sheegay Agaasimaha Waaxda Wax soo-saarka ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim.

Agaasimaha oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi “Saaka waxaanu soo gurnay khayaarkii Wejigii Saddexaad, Khayaarka Maanta aanu halkaa ka soo gurnay ayaa dhan 125KG…”

Beeraha (2)

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in isla Maanta ay Green House-ka Wasaaradda ku dhex yaalla ka gureen Tamaandho ama Xabuub faro badan “Markii u horreysay waxaanu Green House-ka Wasaaradda ku dhex yaalla ka gurnay Tamaandho si tijaabo ah loogu beeray, taasi oo si wanaagsan u baxday una bislaatay, waxayna Tamaandhada aanu soo gurnay dhan tahay 50KG..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay rejo ka qabaan in boqollaal Kiiloo oo Tamaandho ah mar kale halkaa laga guro “Xabuubta aanu soo gurnay waa intii u horraysey, laakiin waxaanu filaynaa in boqollaal Kiiloo ka soo go’aan Maalmaha soo socda..”

Beeraha (1)Gebogabadii, Green House-ka laga beeray khudaarta soo go’day ayaa si tijaabo ah loo beeray, iyadoo Masuuliyiinta Wasaaraddu ugu talo-galeen inay hubiyaan in khudaarta lagu dhex beero Green house-ku ay ka deg-deg badan tahay ta banaanka lagu beero ama aan la dedin.

Mashruucan Tijaabada ah ayaa Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxay la kaashatay USAID.

Green House-ka laga beeray khudaartan ayaa ku fadhiya Dhul Cabbirkiisu dhan yahay 15x8mitir ama 120 mitir oo isku wareeg ah.”

Beeraha (3)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories