HomeWasaaradda Beeraha Somaliland oo Guddoontay SIIDH Qiimihiisa lagu Qiyaasay in ka 2...

Wasaaradda Beeraha Somaliland oo Guddoontay SIIDH Qiimihiisa lagu Qiyaasay in ka 2 Milyan oo Dollar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siidhHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole, ayaa maanta la wareegay deeq Siidh ah oo isku Jirta Khudaar iyo Ubaxyo oo qiimahooda lagu sheegay in badan laba Milayn oo Dollar, kaas oo ay Somaliland ku caawisay hay’ad Maraykanka laga leeyahay oo soo marisay hay’ad kale oo dalkaas laga leeyahay.

Munaasibad Wasarada Beeruhu kula wareegtay Deeqdan oo lagu qabtay Xarunta wasaaraddaas, ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirada Beeraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Garaad, Xidhiidhka Golayaasha Qaranka iyo Tiknoolajiyada, wasiru-dawlaha Maaliyada, Wakiilka Somaliland ee Hay’ada ARAHA Axmed Xasan Aaden iyo Masuuliyiin sarsare oo ka socday Hay’adaha caalamiga iyo ururrada bulshada.

Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedole oo ugu horeyan Faahfaahin ka bixiyey Deeqdan Wasaaradda lagu wareejiyey ayaa hadlay muhiimadda Siidhkani u leeyahay Somaliland, waxaanu yidhi, “Ujeedada Xafladani waa mid aanu kula wareegayno Siidh ah nooca Dalagyada kala duwan Sida Midhaha la cuno ee Khudaar iyo Ubaxyo kala duwan, Qiimahooduna uu yahay 2 Milyan iyo dhowr boqol oo Dollar. Siidhkan waxa inoogu Deeqay Dalka Maraykanka, Hay’adda Siidhkan ina siisay waa Hay’ada la yidhado LIFE (Life For Relief Development), hay’ada inoo soo qaadayna waxa la yidhaahda ARAHA (American Releif Agency for the Horn Of Africa), runtii markii ay aragtay hay’adani sida wasaarada beeraha ee Somaliland baahi weyn ugu qabto Siidh, markaasi ayaa hay’adani noo soo qaadday siidhkan oo dalal badan loo dirayey, anaguna warqaddii ogolaansha ayaanu u qornay, Siidhkiina si dhakhso ah ayuu noo soo gadhay, waxaana laga dadajinayey in wakhtiyada kuleylka ah uu soo gaadho Berbera, sii aanu siidhkaasina wax u noqon. Siidhkani waxa uu ka Kooban yahay Khudaar, Midho, iyo Ubaxyo, Siidhkan waxa loo qaybinayaa Beeraha Waraabka ah, Siidhkan Midhkii qiimihiisu waxa weeye Hal Dollar ilaa laba Dollar,”ayuu yidhi wasiirku.

siidh2Wasiirul-dawlaha wasaaradda Maaliyada ee Somaliland Caddaani, waxaanu yidhi, “Hawsha aynu halkan u fadhinaa waa Cunto soo saarkii dalka, waayo siidhku waa Cuntadii la doonayey in la cuno, sababta ay cunto soo saarku ay muhiim u tahay waa labba mid, marka ugu horeysa dakhli ayaa soo galaya Beeralayda, waxa kale oo uu dakhli soo galinayaa wasarada maaliyada, waxa kale oo ay soo kordhinaysaa shaqo abuur, waxa kale oo uu qorshuhu yahay in aynu helno kayd cunno, waxa nasiib darro in dal dhan uu ku xidhnaado cuntooyinka dibada uga yimaada, marka waa in latayeeyaa beeralayda oo la maalgaliyaa, waayo waa laf-dhabarta Somaliland, runtii dalkeena meel aan la beeri karayni ma jirto ilaa Laas-qoray illaa Saylac.”

siidh3Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Axmed Gaarad oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyey,  ayaa Sheegay in loo baahan yahay in la dhiirigaliyo Beeralayda, waxaanu yidhi,“Waxa Muhiim ah in Siidhkan la gaadhsiiyo dadka u baahan ee Beeralayda ah, dadkeenu waxay waagii hore ku noolan jireen Xoolaha iyo beeraha laakiin immika waxaad arkaysaa nin inta uu galley iyo hadhuudh keeno Hargeysa ku beddelanaya Bariis iyo Baasto, waxa kale oo muhiim ah in dadku haystaan Siidh oo qof kasta oo beeralay ah aanu odhan Siidh i siiya, taasi waa macno darro. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa hay’adda kale ee ina caawiya gaar ahaana wasaarada beeraha caawiya , Runtii shacabka Somaliland waa dad abaal guda ogna cida wax tarta,” ayuu yidhi wasiirku.

siidhWakiilka Hay’ada ARAHA ee Somaliland Axmed Hassan Aden oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in hay’addoodu markii ay aragtay baahiyaha Beeraleyda Somaliland qabaan ay go’aansatay in deeqdan ay u keenan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Runtii Koontiinarka aanu guddoonsiinayno wasaaradda beeraha waxaa uu ka kooban yahay Siidh isku jira Khudaar iyo Ubaxyo, waxaana aanu ugu talo galnay in beeralayda Somaliland ee u baahan la gaadhsiiyo,”ayuu yidhi.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Masuuliyiin kale oo ka kala Socday Hay’ada Caalamiga Iyo qaar ka mid ah Beeralayda iyo dadka Aqoonta u leh dalagga, waxanay soo dhaweeyeen deeqdan Siidhka ee loogu talo galay beeralayda Dalka.

SOMALILANDPOST.INFO

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories