HomeWasaaradda Beeraha Somaliland oo Dib-u-dhis ku samaynaysa Xarunta ugu weyn La-dagaalanka Ayaxa...

Wasaaradda Beeraha Somaliland oo Dib-u-dhis ku samaynaysa Xarunta ugu weyn La-dagaalanka Ayaxa ee Geeska Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga iyo Madaxa hay’adda FAO, ayaa maanta dhagax-dhigay dib-u-dhiska iyo Dayac-tirka Xarunta La-dagaalanka Ayaxa ee magaalada Hargeysa oo noqonaysa Xarunta ugu weyn mandaqadda Geeska Afrika.

Mashruuca dib-u-dhiska Xarunta la-dagaalanka Ayaxa ee magaalada Hargeys, waxa maalgelintiisa bixinaysa hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland.

blankXaruntan oo noqon doonta Goob laga maamulo la-dagaalanka iyo Xakamaynta Ayaxa ka dillaaca gobollada Somaliland, ayaa la qorsheeyey inay mustaqbalka noqoto xarunta ugu ballaadhan mandaqadda Geeska Afrika, iyadoo xilligan dalka Ethiopia ay ku taallo Xarunta ugu weyn ee laga maamulo Hawl-gallada la-dagaalanka Ayaxa ee mandaqadda Geeska Afrika, waxaanu mashruucani ka mid noqonayaa wax-qabadyada ay ku tallaabsatay Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.

Munaasibadda Dhagax-dhigga mashruucan, waxa ugu horeyn hadal ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse, waxa uu faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu mashruucani u leeyahay qaranka iyo Ka-jawaabista duullaanka Ayaxa oo sannad kasta oo waxyeello u geysta wax-soo-saarka dalagga Beerlayda Somaliland.

blank“Waxaynu ku sugannahay xaruntii la-dagaalanka Ayaxa ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo aynu maanta u joogno dhagax-dhigga, dib-u-dhiska iyo casriyeynteeda. Labadii sanno ee u dambeeyey wuxuu ahaa (Ayaxa) masiibo soo food-saartay waddamada Geeska Afrika iyo qaar ka mid ah waddamada Khaliijka. Labadaas sannoba wasaaradda Beeruhu waxay kula jirtay dagaal weyn.

Saamayn aad u weyn ayuu ku yeeshay guud ahaan beeralayda iyo xoola-dhaqatadaba, isagoo  baadkii iyo beerihiiba ka madhiyey deegaamadii uu ku habsaday,” Sidaas waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha.

blankMadaxa Hay’adda FOA u qaabilsan Beeraha oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Wasaaradda Horumarinta Beeraha kala shaqeeyaan horumarinta Beeraha isla markaana ay muddooyinkii u dambeeyey ka caawiyeen hawl-gallada la-dagaalanka Ayaxa ka dillaacay deegaamo ka tirsan Somaliland, wakhtiganna ay hirgelinayaan dib-u-dhiska iyo Casriyeynta Xarunta Ayaxa si isku-filnaansho looga gaadho la-dagaalanka Ayaxa.

blankWasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka markhaati kacay baahida dalku u qabo hirgelinta Mashruuca dib-u-dhiska Xarunta la-dagaalanka Ayaxa oo uu ku tilmaamay mid aad u ballaadhan oo faa’iido u leh Beeraha, Xoolaha iyo Deegaankaba, waxaanu uga mahad-celiyey hirgelinta mashruucan hay’adda FAO oo uu sheegay inay wada-shaqayn la leedahay Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Wasaaradda Xannaanadaha Xoolaha.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo hadal ka jeediyey munaasibadda, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaybaha uu ka kooban yahay mashruuca dib-u-dhiska Xarunta la-dagaalanka Ayaxa oo uu sheegay inay mustaqbalka noqon doonto xarunta ugu weyn mandaqadda Geeska Afrika ee laga maamulo hawl-gallada la dagaalanka Ayaxa.

“Waxa maanta noo sharaf ah in wasaaradda Beeraha iyo hay’adda FAO oo mashruucan maalgelinaysaa aanu dhagax-dhigno, waxaana noo sharaf ah in hawsha dhismaha la bilaabi doono maalinta Berri, wax dib loogu noqonayaana ma jiraan, muddo koobanna wuu ku dhammaan doonaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland.

blankWasiirka oo faahfaahinayey qaybaha kala duwan ee Mashruucani ka kooban yahay, waxa uu yidhi, “Mashruucan aanu dhagax-dhigaynaa wuxuu ka koobnaan doonaa 13 dhisme, waxaana ugu horeeya dhismaha deyrka xarunta, Dhismaha Xafiisyada, dhismaha guryaha shaqaalaha, Dhismaha Buufinta iyo Shaqada, Geerashka Gaadiidka, Masaajidka Xarunta, Dhismaha Cafeteria xarunta oo shaqaalaha loogu talo-galay, hoolka shirarka iyo tabobarka, Keydka Biyaha oo laba taangi oo shub ah ka kooban, Dhismaha keydka Sunta oo dhulka hoostiisa ah, qolalka Ciidamada Ammaanka ee xarunta, Musqulaha, Dayac-tirka waddooyinka dhexmara xarunta oo laami laga dhigayo, waxa kale oo ku jira dhuumihii biyaha oo burburay”.

Wasiirka Beeraha Somaliland waxa uu sheegay in dhammaystirka mashruucan oo maalinta Berri dhismihiisa la bilaabayo uu socon doono muddo Shan bilood ah.

blankWasiir Axmed Muumin Seed waxa uu digniin u diray Dadweynaha deggen agagaarka Xarunta la-dagaalanka Ayaxa oo ku tallaa Galbeedka magaalada Hargeysa, kuwaas oo uga digay inay 50 Mitir uga dhawaanin Deyrka Xarunta maadaama oo noqonayso Goob lagu keydinayo Sunta Ayaxa.

“Xarunta waxa dhibaato ku haya dadka oo ku soo durkaya, waxaan uga digayaa shacabka inay ku soo durkaan xarunta. Meeshani waa meeshii lagu keydinayey sunta Ayaxa, cid kasta oo Konton mitir Deyrka u soo gaadhana waxaanu gelinaynaa cagaf annagoo la kaashanayna Dowladda Hoose,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Beeraha ee Somaliland Md Axmed Muumin Seed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories