HomeSomali NewsSomalilandWasaaradda Beeraha Oo Berbera Ku Qabatay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka Oo Laysku...

Wasaaradda Beeraha Oo Berbera Ku Qabatay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka Oo Laysku Arkay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Maanta oo ku beegan 16-ka October 2023-ka Magaalada Berbera ku qabatay Xuska Maalinta caalamiga ah ee cuntada Adduunka, taas oo Wasaaraddu sannadba Magaalo ku qabato.

Xuskan oo loo asteeyay in la dhiirigeliyo wax soo-saarka Beeraha iyo la dagaalankan Gaajada, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxda Wasaaradda ee kala sareeya, sida Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud, Shaqaalaha wasaaradda badankooda iyo Madax kale oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayirka Berbera, Maareeyaha Dekedaha Dalka, Agaasimeyaal iyo Xildhibaano.

Waxa kale oo ka qayb-galay Iskaashatooyinka Beeraha ee dalka ee Saylac illaa Badhan iyo Madax ka socotay Safaaradda Taiwan ee Somaliland.

Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Beeraha C/qaadir Iimaan Warsame, Wasiir ku-xigeenka Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha guud Aadan Cabdillaahi iyo Madaxdii kale ee ka qayb-gashay, waxayna ka warrameen muhiimadda Beeraha iyo doorka Wax-soo-saarku u leeyahay horumarka nololeed ee aadamaha, gaar ahaana Somaliland oo ka mid ah dalalka soo koraya ee ku dedaalaya inay isku-filaansho ka gaadhaan dhanka Cuntada.

Wasiir Cabdiqaadir iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa shacabka u soo jeediyey inay cuntada waddaniga ah cunaan, maaddaama oo ay ka caafimaad badan tahay cuntooyinka laga keeno dalka dibeddiisa.

Waxay soo jeediyeen in shacabku ay ugu yaraan afar Maalmood oo Toddobaadka ka mid ah cunaan cunto waddani oo ay tijaabiyaan muhiimaddeeda caafimaad.

Sidoo kale, waxay guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyeen inay ku dedaalaan wax beerashada, inta xilligan ku mashquulsana dedaalka badiyaan.

Madasha Munaasibaddu ka dhacday, ayaa lagu soo bandhigay noocyada khudaarta dalkeena ka baxda, taasi oo madaxdu mid mid faallo uga bixiyeen, si dadweynaha loogu dhiirigeliyo.

Wasaaradda Horumarinta beeraha oo Qaranka uga masuul ah Wax-soo-saarka dalagga Beeraha, ayaa juhdi iyo dedaal gelinaysa sidii shacabku wax soo saarka dhulkooda u aamini lahaayeen, farriintaas oo ay tebinaysey Masraxiyad ay Maanta halkaa ku soo bandhigeen qaar ka mid ah Jilayaasha Dalkeena, sida Cabdiqani Isku-filane, Ceegaag iyo Abwaan Heello.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories