Wasaaradda Beeraha Oo Berbera Ku Qabatay Xuska Maalinta Cuntada Adduunka Oo Laysku Arkay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Berbera (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Maanta oo ku beegan 16-ka October 2023-ka Magaalada Berbera ku qabatay Xuska Maalinta caalamiga ah ee cuntada Adduunka, taas oo Wasaaraddu sannadba Magaalo ku qabato.

Xuskan oo loo asteeyay in la dhiirigeliyo wax soo-saarka Beeraha iyo la dagaalankan Gaajada, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxda Wasaaradda ee kala sareeya, sida Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud, Shaqaalaha wasaaradda badankooda iyo Madax kale oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayirka Berbera, Maareeyaha Dekedaha Dalka, Agaasimeyaal iyo Xildhibaano.

Waxa kale oo ka qayb-galay Iskaashatooyinka Beeraha ee dalka ee Saylac illaa Badhan iyo Madax ka socotay Safaaradda Taiwan ee Somaliland.

Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Beeraha C/qaadir Iimaan Warsame, Wasiir ku-xigeenka Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha guud Aadan Cabdillaahi iyo Madaxdii kale ee ka qayb-gashay, waxayna ka warrameen muhiimadda Beeraha iyo doorka Wax-soo-saarku u leeyahay horumarka nololeed ee aadamaha, gaar ahaana Somaliland oo ka mid ah dalalka soo koraya ee ku dedaalaya inay isku-filaansho ka gaadhaan dhanka Cuntada.

Wasiir Cabdiqaadir iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa shacabka u soo jeediyey inay cuntada waddaniga ah cunaan, maaddaama oo ay ka caafimaad badan tahay cuntooyinka laga keeno dalka dibeddiisa.

Waxay soo jeediyeen in shacabku ay ugu yaraan afar Maalmood oo Toddobaadka ka mid ah cunaan cunto waddani oo ay tijaabiyaan muhiimaddeeda caafimaad.

Sidoo kale, waxay guud ahaan shacabka Somaliland u soo jeediyeen inay ku dedaalaan wax beerashada, inta xilligan ku mashquulsana dedaalka badiyaan.

Madasha Munaasibaddu ka dhacday, ayaa lagu soo bandhigay noocyada khudaarta dalkeena ka baxda, taasi oo madaxdu mid mid faallo uga bixiyeen, si dadweynaha loogu dhiirigeliyo.

Wasaaradda Horumarinta beeraha oo Qaranka uga masuul ah Wax-soo-saarka dalagga Beeraha, ayaa juhdi iyo dedaal gelinaysa sidii shacabku wax soo saarka dhulkooda u aamini lahaayeen, farriintaas oo ay tebinaysey Masraxiyad ay Maanta halkaa ku soo bandhigeen qaar ka mid ah Jilayaasha Dalkeena, sida Cabdiqani Isku-filane, Ceegaag iyo Abwaan Heello.

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This