HomeWasaaradda Arrimaha gudaha oo soo bandhigtay Hub lagu qabtay Guriga Wasiir ku-xigeenkii...

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo soo bandhigtay Hub lagu qabtay Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga oo xabsiga loo taxaabay + Khilaafka Kulmiye oo xukuumaddu ku Jaan-goysay Qaraxyadii Hargeysa ka dhacay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay hawl-gal xalay ciidamada Ammaanku ku qabteen Wasiirkii ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan, ka dib markii Ciidanka RRU-du weerar ku qaadeen Guriga uu ka deggen yahay Caasimadda oo ku yaala xaafadda Jigjiga ee Galbeedka magaalada Hargeysa.

qori2Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uu sidoo kale ka hadlay qarayo labadii habeen ee u dambeeyey ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu ku sababeeyey Qaraxyadaas oo aan wax khasaare ah geysan, qaar lagu cabsi gelinayey shacabka.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu soo bandhigay Hub kala duwan oo ay ku soo qabteen Guriga uu deggen yahay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga kaas oo ay adeegsanayeen ilaalada guriga Wasiirkii hore is-rasaasayni dhexmartay Ciidanka Booliska, ka dib markii Wasiir ku-xigeenka iyo rag uu watay ay iska caabbiyeen Ciidanka Booliska.

“Waxaad la Socotan in labadan habeen ee u danbeeyay uu qarax ka dhacay magaalada Hargaysa ama la dhigay meelo gooni-gooni ah, bahashan Layidhaa Shaanida, taas oo ay sababteedu tahay in carruurta iyo maatida lagaga Ciyaaro Hurdada, Taas oo xalayna ka dhacday madaxtooyada xaggeeda danbe. Arrinta qaraxa sidaad ka war qabtaan waxa ay bilaab Matay markii khilaalka xisbiga Kulmiye soo shaac baxay, waxaana aad yaab u leh rag waawayn oo muddakar ahi in khilaafkii Kulmiye ee u dhaxeeyay dhexdooda uu gaadho in khal-Khal la galiyo ammaanka Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray, ”Qaranka Somaliland waxa uu ku faanaa nabada galiyo ,Umaddana iyo bulshadanina waxa ay muddo dheer wado adag usoo martay kuna guulaysatay in cid kasta oo khal-khal amini abuurta Karta gacanta lagu soo dhigo,Maantana ciidanka booliska somaliland waxa ay diyaar u yihiin in sumcada qaranka iyo tan shacabkaba in laga badbaadiyo cid kasta oo isku dayda in ay nabada galiyada aynu ku faano turaan turaysa,waxaanan ku qaban doonaan gacan bir ah.”

Wasiire Waran Cade Waxa Uu Sheegay In Gacanta Ku Soo Dhigeen Ciddii Ka Danbayse Qaraxii Xalay Ka Dhacay Magaalada Hargaysa waxaana uu yidhi, “Runtii waanu ka hawl galnay, ciddii ka danbaysey qaraxyadii ka dhacay magaalada Hargaysa ciidanka booliskuna runtii gacanta ayay ku dhigeen Rag Dhawr ah qaar kalena waa lagu daba jiraa, dhammaantooda waxaana ay wajihi doonaan cadaaladda iyaga iyo ciddii ka danbaysayba, waxaana ay runtii ciidanka boolisku si wanaagsan oo nabada galiyo ah gacanta ugu dhigeen cidii ka danbayse qaraxii xalay ka dhacay madaxtooyada dabadeeda.”

Dhinac Kale, waxa uu Nasiib-draro ku tilmaamay wasiir Ku-xigeenkiisii Hore ee dhinac Amnigu Inuu Magaalada Khal-Khal Iyo Fawdo Ka Abuuro Isla Markaasna Ciidanka Booliskana Kala Horyimaado Iska Cabin Iyo Xabada Waxaana Uu Yidhi, “Aniga oo aad iyo aad uga xun wasiir ku xigeenaygii dhinac amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan oo aanu muda wada Shaqaynayn, waxaanan la yaabanay sidan xun ee ay waxa uga dhaceen,kaas oo ku kacay runtii arimo khal-khal galin kara nabada galiyada iyo sumcada qaranka somaliland oo aynu wada ognahay halka aynu maanta ka taaganahay horumarka iyo wanaaga,Waxaana Nasiib Daro ah inuu ku hadlo,Hadalo tashuush galin kara shacabka reer Somaliland.

“Waxaanu markaas damacnay inaanu wax ka waydiino waxaas uu baahiyay ee uu wasiirrada dalka ku tilmaamay qaarkood, waa uu diiday hasayeshee markii la is-yidhi waxa ka qorana waxa uu kala horyimid ciidanka iska cabin hubaysan oo uu naftiisa iyo tan ciidanbka khatar ku galiyay,lakiin waxa aynu nahay qaran waxaana aynu leenahay sharci qof sharciga ka waynina majiro,wixii isku daya inuu khatar galiyo amniga, sharciga ayaa qabanaya,kolay xalay intaas ayaa dhacday ragii kale ee hadhayna waanu ku dabo jirnaa,waxaanan jecelnahay inaanu Gacanta kusoo dhigno wixii amniga dhib ku ahay.”

Weerarka ciidanka Amniga Somaliland ku qaadeen guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga, waxa ku dhaawacmay Mid ka mid ah saddex nin oo ku sugnaa gurigaas, kaas oo sida ay sheegtay Xaaska wasiir ku-xigeenku ay ku dhaceen saddex xabbadood isla markaana uu dhiig-baxay.

SOMALILANDPOST,NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories