HomeWasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in Dawladda Ingiriisku ku Deg-degtay Dhaliisha Ammaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in Dawladda Ingiriisku ku Deg-degtay Dhaliisha Ammaanka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Dhawaaqa xambaarsan xaaladda amni-darro ee dawladda Ingiriisku ugu digtay Muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo maanta warbaahinta tafaasiil ka siiyey xaaladda amni ee dalka kuna cambaareeyey dhawaaqa lagu dhaliilay Amniga Dalka, ayaa sheegay inaanay jirin xog-rasmi ah oo dawladda Ingiriisku ka soo xiganayso cambaareynta ay kula dul dhacday ammaanka dalka oo ay tilmaameen inuu marayo halkii ugu wanaagsanayd.

Wasiir ku-xigeenka amniga iyo Taliyaha BooliskaWasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md Cabdilaahi Abokor, ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku ku deg-degtay warbixinta ay ka soo saartay amniga Somaliland, isaga oo sheegay inaanay jirin amni-darro ka jirta dalka.“Warbixinta dawladda Ingiriisku soo saartay waxaan qabaa inay tahay mid lagu degdegay oo aan laga fiirsan.Kolay xukuumaddu way ka hawgalaysaa sidii Ingiriiska ugala hadli lahayd. Haddii aanu nahay hay’adda amniga Somaliland, Sirdoonkayaga iyo booliskaya midna ma hayo war odhanaya xaalada amniga Somaliland waa halis, xidhiidha joogta ayaanu leenahay hay’ada amni reer galbeedka marna noomay sheegin khatar halkan ka jirta oo aanu wax ka qabano, laakiin arintanu waa layaab. Waad ogtihiin markii xilka xukuumaddu qabtay darajada saddexaad (C) ayaanu xaga nabada ahayn maanta darajada ugu sareeya ayaanu nahay, dadka ajaanibka Hargeysa xiliga doonaan ayey socdaan cid ma ilaaliso halka dalalka adduunka la ilaaiyo,” ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor, waxaanu hadalkiisa intaas ku daray, “Safiirada iyo saraakiisha tagaysa Soomaliya siiba Muqdisho waxay sii seexdaan caasimada Somaliland ee Hargeysa waana ta muujinaysa nabadgalayada Somaliland, markaa waxaan bulashada ugu baaqayaa in aanay jirin wax amni darro ah oo ka jira Somaliland.”

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixinta ay dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ku boorisay inaanay booqan Somaliland sababo amni darteed.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa arrintan ka jawaabaya, ayaa ku dooday in ammaanka iyo nabad-gelyadda Somaliland ay tahay mid taam ah, waxaanu tilmaamay inaanay haynin waxa ay dawladda Ingiriisku sheegtay. “Waxaan ummadda Somaliland iyo caalamkaba u sheegaynaa in Nabad-gelyadda Somaliland tahay mid sugan oo Ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabad-gelyaddu ay gacanta ku hayaan,” ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal,

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo daba socday warbixinta dawladda Ingiriiska, waxa uu yidhi, “Waxan la sheegayo Annagu ma hayno. Waxaanu ognahay in Somaliland ammaankeedu sugan yahay oo aanay wax dhibaato ahi ka jirin.”

Taliyuhu waxa uu baaq u jeediyey Shacabka Somaliland iyo Caalamka, “Waxaan shacbiga Somaliland iyo caalamkaba ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan Ciidamadda ammaanka Somaliland,”ayuu yidhi Gen. Cabdilaahi Fadal.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories